Doorashoyinka Inoo Qabtoo, Dagaalka Ceelafweyn Dhamee, Caarrena Dib Usoo Dabaal Danteenu Sidayna Tidhi.

0
Saturday July 27, 2019 - 09:31:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashoyinka Inoo Qabtoo, Dagaalka Ceelafweyn Dhamee, Caarrena Dib Usoo Dabaal Danteenu Sidayna Tidhi.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

 

1-DAWLADAAN LA AQOONSANO,DIMUQRADIYADAANU NAHAY,

DADAAL BADAN SOO BAXSHOO,NAFIYO DUUNYABA U HURAY,

DOORKANAY YARA DAAHSANTE,DAR BADANO XORA KA DHACAY,

DUNIDA QAAR BADANI QABANE,CITIRAAF BAANU DOONAYNAA.

 

2-DUNIDU INAY WAALAN TAHAY,WAXAY NALA DABASOCODAN,

DAWLADNIMO DUULAAN AQOON,DOORASHO KA XANAAQAYOO,

DUNIDIIBA WAREERIYOO,HORE IYO DABA DIIDAYOON,

DAGAALO U DHEER YAHIIN,DALKOODUNA FOOWDA YAHAY.

 

3-DAWLADAHA CAALAMKE YIDHAA,XUQUUQ BAAN U DOODAYNA,

DALKEENAN SOO KUWA YIMAADA,DARIIQYADA SOO MARMARA,

MA AMMAANKAY DIIDANYIIN,DOOLARKA SUUQA DAADSANIYO,

DUKAAMADA AAN LA XIDHIN,DISTOORKAAN DHIGANAY ARAG.

 

4-MADAXWEYNA LA DOORTO IYO,IMISAA DAWLADO ISBEDELAY,

DEERONA DEERO MAY HERDIYIN,INTII DOORASHEE DHACDAYE,

DIINTEENA ISLAAMNIMIYO,DUSHEENA CALANKEENA SUDHAN,

DALIILKA EEBAHEEN KU YAAL,DELDELAN DUHURIYO HABEEN,

ILAMAA WELIGII DEGAYN,AYUUN BAY NAGU DIIDAN YIINE.

 

5-ALLAHA DAAYINAA JIREE,DANTOOD IYO YEELKADOODE,

MARNABA KAMA DAALAYNEE,DADAALKIYO HAWSHA WADA,

DADAKANA ISU SOO DHAWEE,DIRIRTA CEELAFWEYN DHAME,

DEBNIYO CARABAYS HERDIYA,CAARENA DIB U SOO DABAAL,

                        ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...