Xalka Somaliland Wuxuu ku Jiraa Doorasho Dalka Ka Dhacda....

0
Saturday July 27, 2019 - 09:19:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xalka Somaliland Wuxuu ku Jiraa Doorasho Dalka Ka Dhacda....

    Tani iyo markii la aasaasay Somaliland dawlad sharciga ilaalisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tani iyo markii la aasaasay Somaliland dawlad sharciga ilaalisa

oo dadka u xaq soortaa may soo marin markasta deegaano gaar ah ayaa sad-bursiimo helli jiray, haddaba su'aashu waxay tahay haddii aan mar qudha la helin dawlad sharcigu dadka ka sareeyo isla markaana u xaq soorta bulshada siddee ayay ku dhacday in ay 28 sano nabad ku noolaato?...



Jawaabta su'aashaas haddii aan malahayga la kaashado waxaa suurtagaliyay hal qodob oo ah doorashooyinka, oo siddee bay u suurtagaliyeen ayaa haddana la is weydiin karaa?...

Tusaale aan u soo qaato qof kasta oo mucaarid adag ku noqda kolba xukuumadda joogta waxaa is ku qanciyaa in aan loo baahneyn gacan ka hadal ee uu sugo inta doorasho kale la qabanayo isla markaas-na lagu bedelayo xukuumadda uu nacay, bulsho badan oo tirsanaysa xaq darro ayaa markasta rajo ka muujiya mustaqbalka in xaaladdu siddan dhaami doonto, taasi waxay sii xoogaysataa marka doorasho la qabto.

Taariikh ahaan madaxweyne laba jeer la doortay ma jiro marka laga reebo Cigaal oo shir beeleed laba jeer loogu doortay taasi waxay tusaale cad u tahay in aan bulshadu helin marnaba hogaamiyihii ay rabeen.

Mar haddii jiritaanka iyo xasiloonida dalkeenu ku xidhan yahay doorashooyin la qabto waa maxay sababta ay xukuumadda hadda jirtaa uga warwareegayso in doorsho la qabto?..

Jawaabtu waa iska cadaan oo isla xisaabtan ma ogola, waxayna cabsi ka qabaan in Baarlamaan cusub uu yimaado oo xukuumadda la xisaabtamo, taas bedelkeeda waxay ka jecel yihiin kuwan hadda jooga in ay iska sii joogaan oo markii ay dan ka yeeshaan intooy waxoogaa dhaameel ah u daadiyaan ay dantooda ka fushadaan.
Maxaa la gudboon mucaaridka?..

Mucaaridku waa in ay fahmaan in ay danta ummaddu ku jirto in doorsho dhacdo, si nidaamku u sii socdo loona helo Baarlamaan xukuumadda la xisaabtami kara, si taasi u dhacdo waa in xisbiyada mucaaridku soo xulaan xildhibaano tayo leh oo danta ummadda ka taliya dabar-na u noqon kara ku takrifalka awoodeed ee maanta ka muuqata xukuumadda jirta!

Dhinaca kale guurtidu waxay masuul ka ahaan jirtay xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah marar badan oo horena ilaahay waa ku guuleeyay in ay xaliyaan khilaafyo bulsho laakiin sidii Saleebaan gaal u yimid meesha golihii waxa kale ayuu ka dhigay, isagoo marar badan u isticmaala awooda sharcigu siiyay in uu ku takrifalo, waa taas maanta loo maaro la’yahay dagaal beeleedka Sanaag. Markaas waa muhiim in doorasho dhacda la helo si meesha looga kaxeeyo cid kasta oo aan shaqadii loo dirtay ka soo bixin.

Qalinkii : Garyaqaan Kayse Koosaar

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...