Marbaa jirtay Dab-damisku Iyaga oo u Gurmanaya ay Dadku Shiidi Jireen……" Wasiir Cabdalle
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdalle Maxamed Carab Sandheere oo kormeer ku tagay taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa uu Ciidanka ku amaanay shaqada nafhurka ah ee ay u hayaan shacabka isagoo hoosta ka xariiqay duruufaha nololeed ee ay ku shaqeeyaan, waxana uu tilmaamay in ay yihiin geesiyaal naftooda u hibeeyey ka samatabiixinta shacabka markay khatari soo waajahdo iyo la tacaalida xaaladaha adag ee ay ka midka yihiin dabka iyo daadadku, isla markaana ay yihiin kuwo u gurmada dad iyo duunyo.
Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in aas aas ka ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixnta Somaliland uu soo maray marxaladu kala duwan oo marba talaabo laqaadayey, waxanu xusay in ay jirtay wakhti aanay dadku wax fahan ah ka haysan shaqada ay qabtaan ciidanku iyadoo ay dhici jirtay mararka qaar in la shiido gaadiidka ay ciidanku wataan "Marbaa jirtay dab-damiska xataa dadku fahamsanayn oo iyagoo u gurmanaaya ay dadku shiidi jireen” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Cabdale Sandheere, waxana uu intaasi kudaray in faham la,aanta dadku ay ciidanka ku khasabtay in baabuurta loo sameeyo shabag ka difaaca dhagaxa ay shacaku ku tuurayaan.
Waxa uu wasiir Cabdale Sandheere sheegay iyadoo ay adag tahay xaalada Ciidanka dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland hadana ay ku jiraan ciidamada ladagaalanka dabka ee ugu horeeya geeska Afrika, waxana uu ka markhaati kacay adkaanshiyaha duruufaha nololeed ee ku gadaaman Ciidanka dab-damiska hadana aanay marnaba ka hor istaagin gudashada waajibaadka shaqo iyo sidoo kale u adeegista iyo Samatabixinta Bulshada.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Somaliland ayaa Ciidanka Dab-damiska u xaqiijiyey sida shacabka iyo xukuumaduba ugu ogyhiin shaqooyinka naf-hurka ah ee ay hayaan ayaa waxa uu yidhi. ”Waxay Ciidanku caanku yihiin oo aad uga mahad-naqayaa, Somaliland oo dhamina aay ogyihiin in ay yihiin dad naftood hurayaal ah, dab uun magalaan balse hadii uu qof ceel ku dhaco naftooda ayey u huraan”.
Kormeerka uu Wasiirka Arimaha Guduhu ku tagay xarunta Ciidanka Dab-damiska u uku tagay ayaa waxa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Samatabixinta Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili isla markaasna halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka.