Go'aamo Laga Soo Saaray Khilaaf Ka Dhashay Dhul-daaqsimeed Ku Yaalla Degmada Daarasalaam Ee G.Maroodi-Jeex SAWIRO
Maamulka G. Maroodi-Jeex, ayaa Maanta go'aamo ka soo saaray khilaaf Beelo walaalo ah ku dhex maray deegaanka Dhamal ee degmada Daarasalaam ee waqooyiga gobolka Maroodi-Jeex.
Khilaafkan oo ka dhashay Dhul-daaqsimeedka Dhamal oo Beelaha xoolahoodu wada daaqaan isku khilaafeen, ayaa waxa Maanta ku baxay wefti ka kooban Wasiir ku-xigeenka Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, badhasaabka Maroodi-Jeex Axmed Maxamed Cadaad, Taliyeyaasha Booliska ee Galbeedka iyo bariga gobolka Maroodi-Jeex, Isku-duweyaasha Wasaaradaha Beeraha, Xanaanada xoolaha iyo deegaanka, Madax-xafiiseedka Beeraha ee degmada Daarasalaam iyo maamulka degmadaasi.
Weftiga oo la kulmay Odayaasha labada dhinac ee xurfuftu ku dhex martay dhul-daaqsimeedka deegaanka Dhamal, ayaa shir muddo socday ka dib soo saaray go'aamo lagu soo afjaray xurguftaasi.
Intii shirku socday, waxa halkaasi hadal dheer oo talo iyo Tusaale ah ka jeediyey Wasiir ku-xigeenka Beeraha Prof. Mukhtaar Xaaji M. Faarax, isagoo ka warramay sida ay muhiimka u tahay in dadku ay wada munaafacaadsadaan wixii dan-guud ah ee Alle dhigay halka ay ku wada nool isla-markaana ka fogaadaan khilaaf iyo wixii kala fogayn kara.
Waxa kale oo ka hadlay Odayaal, waxgarad iyo Isku-duweyaal uu ka mid yahay Isku-duwaha Wasaaradda horumarinta Beeraha ee gobolka Maroodi-Jeex Khadar Maxamed Ibraahim.
Badhasaabka gobolka Maroodi-Jeex Axmed Maxamed Cadaad oo isaguna gebogabadii halkaas ka hadlay, ayaa ku dhawaaqay go'aamada dawladdu ka soo saartay khilaafka dhul-daaqsimeedka deegaanka Dhamal ee degmada Daarasalaam.
Go'aammada oo ka kooban 3 qodob, ayaa kala ah:-
1. In Dhulka deegaanka Dhamal uu yahay Dhul-daaqsimeed laga wada leeyahay (oo aan cid gaar ahi sheegan karin).
2. In la baa'biinayo Guryo ay meelo ka mid ah dhul-daaqsimeedkaasi ka dhiseen Beelaha xurguftu dhex martay iyo in la baa'biiyo beero laga sameeyay gudaha dhul-daaqsimeedkaasi.
3. In hawshaasi ay muddo 30 maalmood ah ku fuliyaan Taliyeyaasha ciidanka Booliska ee bariga iyo galbeedka gobolka Maroodi-Jeex, Guddoomiyaha degmada Daarasalaam, Xoghayaha, Guddoomiyaha deegaanka Dhamal iyo Cuqaasha labada Beelood ee khilaafku dhex maray.
Go'aammada fulinta ayaa markaa ka dib, loo gudbinayaa Badhasaabka gobolka Maroodi-Jeex, Wasaaradaha Beeraha, Xoolaha, deegaanka iyo arrimaha gudaha.
Ugu dambayn, Weftiga Xukuumadda ayaa markii ay ka soo laabteen degmada Daarasalaam waxay booqdeen Jaamacadda Barwaaqo oo ku taalla waqooyiga Magaalada Hargeysa.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |