Dowladda Tanzania oo ka Cadhootay Dhaleeceyn loo Jeediyay Madaxweynaha, una Digtey Shacabka Baraha Bulshada
Wasiirradu waxay sheegeen in dhaleeceynta badankeed
Dowladda Jamhuuriyadda ee Tanzania ayaa si kulul uga jawaabtay dhaleeceyn baraha bulshada lagu faafiyey oo loo jeediyey Madaxweynaha dalkaasi, Marwo Samia Suluhu Hassan.
Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa shacabka ugu baaqay in ay yareeyaan hadallada dhaliisha ah ee ay ku beegsanayaan hoggaanka dalka, gaar ahaan Madaxweynaha.
Baaqan ayaa imanaya xilli ay sare u kaceen muranka internetka ee u dhexeeya shacabka Kenya iyo Tanzania, kaddib markii muwaadin Kenyan ah oo caan ka ah baraha bulshada lagu xidhay Tanzania, lana masaafuriyey.
Wasiirradu waxay sheegeen in dhaleeceynta badankeed ay ka imanayso dalal shisheeye, hase yeeshee shacabka gudaha ee u sii faafiya wararkaasi ay si buuxda mas’uul uga yihiin, isla markaana ficilladoodu ay halis ku yihiin xasilloonida iyo nabadda dalka.
Waxay ugu baaqeen hay’adaha ammaanka in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan dadka si ula kac ah u faafinaya waxa ay ugu yeedheen "propaganda-ka dibadda laga soo abaabulay”.
Xukuumaddu waxay hoosta ka xarriiqday in xorriyadda hadalka aysan la micno ahayn in lagu xadgudbo mas’uuliyiinta qaranka, iyadoo ku celisay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka.
Loading...
Loading...