Safiirka Somaliland Ee Dalka Yemen Oo La Kulmay Tafatiraha Guud Wargeyska Loogu Akhriska Badan Yahay Yemen.

0
Saturday July 27, 2019 - 09:11:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland Ee Dalka Yemen Oo La Kulmay Tafatiraha Guud Wargeyska Loogu Akhriska Badan Yahay Yemen.

    Safiirka Somaliland ee dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed ayaa la kulmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland ee dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed ayaa la kulmay

tafatiraha guud ee wargayska loogu akhriska badan yahay dalka Yemen ee Akhbaar Al-ayaam oo ka soo baxa magaalada Cadan oo ah Caasimada ku-meel-gaadhka ah ee dalkaasi.

 

Booqashadan oo ahayd mid is barasho iyo mahad celin ah ayaa safiirku ugu tagay tafatiraha guud ee Wargayska Akhbaar Al-ayaam mudane Tamam Basharxiil. Safiirku waxa ugu horraynba uu uga mahad celiyay sida wargeysku uu xaaladda iyo qadiyada Somaliland u siiyo mudnaanta, dadka akhristana ula wadaago xogo ku saabsan Somaliland, wada shaqaynta xafiiska ay la leeyihiin ay tahay mid qadiim ah ayna mudnaanteeda siinayaan, waxaana xusid mudan in xubno ka mid ah wariyayaasha wargeysku ay ka qayb galeen xuskii 18 ka May ee sanadka si fiican u tabiyeen.

 

Intaa ka dib waxaa Safiirka iyo Tafatiruhu ka wada sheekaysteen xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal, sida dad ahaan la isugu xidhan yahay ilaa xiligii ingriiska iyo qadiyada koonfurta Yemen iyo Somaliland sida ay wax badan uga midaysan yihiin.

 

Kulanku waxa uu ku soo dhamaaday jawi farxadeed, waxaana loo ballamay wada shaqayn iyo in kulamadani noqdaan kuwo joogto ah.

 

Allaa Mahad leh,

Maxamed Maxamuud Maxamed

Xog-hayaha iyo Xidhiidhka Guud ee Xafiiska JSL ee Yemen.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...