Hooyo kasta waa Halyay horumar u horseedi karta hanadkeeda!

0
Monday May 26, 2025 - 12:34:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyo kasta waa Halyay horumar u horseedi karta hanadkeeda!

    Edison waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay hal-abuurkii ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Edison waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay hal-abuurkii ...



Maalin ayaa Thomas Edison guriga soo galay, wuxuu warqad u dhiibay Hooyadii. Wuxuu ku yiri, "Macalinkeyga ayaa warqadan ii soo dhiibay, wuxuu ii sheegay inaan u dhiibo Hooyadey oo keliya.” Kolki Hooyadii warqadi kala furtay waxaa indhaheeda ka yimi ilmo badan. Warqadi ayay u akhrisay wiilkeedi: "Wiilkaagu waa Cabqari aad u maskax badan. School-kan aad buu ugu yar yahay, mana hayno macalimiin sare oo tababari kara. Fadlan adiga wax bar."

Edison waxaa loo tixgeliyaa inuu yahay hal-abuurkii ugu wax-soosaarka badnaa taariikhda Mareykanka. Wuxuu haystaa 1093 patents (Shatiyada Xuquuqda Wax soo saarka). Waxaana ka mid ah Nalka aan ilaa maanta isticmaalno. Wuxuu noqday mid ka mid ah Hindisayaasha ugu sareeya caalamka, laakiin maxaa u sabab ahaa? sii akhri...

Sanado badan ka dib, kolki Edison Hooyadii dhimatay, ayuu maalin gurigi ku noqday, wuxuu eegayay alaabihi hore ee reerku lahaa. Wuxuu arkay warqad isku laaban oo khaanad miis ku jirta. Waa warqadi macalinka u soo dhiibay. Wuu kala furay. Waxaa ku qornaa: Wiilkaagu maskaxda ayuu ka jiran yahay, waana fahma daran yahay. U oggolaan mayno inuu school-keena sii dhigto.

Wuxuu ooyay saacado badan! Wuxuu ku qoray xusuus-qorkiisa: "Thomas Edison wuxuu ahaa ilmo maskaxda ka jiran oo damiin ah kaasoo Hooyo Halyay ah darteed noqday Cabqarigii Qarniga.”

Hooyadii warqada sida ay tahay uguma akhrin waxayna go’aansatay inay dhiirigeliso wiilkeeda waayo Hooyo marnaba ma niyad jabiso wiilkeeda. Hadalki Hooyadi uu aaminay & dadaalkii uu la yimid ayuu ku noqday cabqari, hindise aad u maskax badan.

Marnaba ha quusan.

Hooyo kasta waa Halyay horumar u horseedi karta hanadkeeda!

Alle SWT caafimaad iyo cimri dheer ha u siiyo inta Hooyadood u nooshahay, Inta ay ifka uga tagtay oo ka sii hor martayna Allaha u naxariisto.

La Wadaag Asxaabtaada

Farah Cawaash


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...