Xikmadaha Nolosha: 2
1. Haddii aad rabto inaad ogaato garaadka qof:
U fiirso sida uu ula doodo qof aan ra’yigiisa la qabin.
2. Haddii aad rabto inaad nolol farxad leh ku noolaato:
Ku xir noloshaada hadaf cad, ha ku xirin dad ama hanti.
3. Haddii aad rabto inaad fahanto qiimaha sannad:
Weydii arday sannadkii u dambeeyay ku dhacay imtixaanka.
4. Haddii aad rabto inaad wax iga ogaato:
I weydii aniga laftayda, ha rumaysan hadallada dadka kale – dadka jecel inay been abuuraan way badan yihiin.
5. Haddii aad rabto inaad ogaato xaqiiqda qofka:
Sii lacag ama xil – (Maahmaah Ingiriisi ah).
6. Haddii aad rabto inaad sharaf ku noolaato:
Ka fogow cidda aan ku qiimeynin.
7. Haddii aad rabto inaad ogaato garaadka qof:
Ka Caraysii, dabadeed eeg sida uu u falceliyo – markaas ayaad ogaan doontaa heerka maskaxdiisa iyo halka aad ka joogto qalbigiisa xilliga xanaaqa.
8. Haddii aad rabto inaad ogaato akhlaaqda qof:
La-tali ama la safar – safarka ayaa kashifa dabeecadda qofka.
9. Haddii aad rabto inaad ogaato sida ay dadka kaaga hadlaan marka aad maqan tahay:
Dhagayso sida ay uga hadlaan dadka kale marka aad agtooda joogto.
10. Haddii aad rabto inaad ogaato nooca dadka kugu xeeran:
Haddii aad tuurto laf – eey baa imanaya,
Haddii aad tuurto abuur – shimbiro baa imanaya,
Haddii aad tuurto naftaada – saaxiibadaada dhabta ah baa soo baxaya.
Qodobkee si gaar ah kuu soo jiitay ?!
Usame Qiyasle
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!