Suuriya: Al-Sharaa oo kulan la leh Erdogan xilli cunaqabateyntii laga qaaday

0
Monday May 26, 2025 - 11:31:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuriya: Al-Sharaa oo kulan la leh Erdogan xilli cunaqabateyntii laga qaaday

    Xafiiska Erdogan ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu u sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Erdogan ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu u sheegay



Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Suuriya Axmed Al-Sharaa ayaa magaalada Istanbul kula kulmay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo madax kale oo sare, iyada oo Suuriya laga qaaday cunaqabataynta reer galbeedku saaray .

 

Labada hogaamiye oo lagu soo bandhigay warbaahinta dowladda Turkiga iaga oo is gacan qaaday ka dibna waxay rasmi ah oo ay uga qeyb galeen shir ka dhacayay Qasriga Dolmabahce ee magaalada ugu weyn dalkaasi Sabtidii.

 

Xafiiska Erdogan ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga uu u sheegay al-Sharaa in dalkiisu uu soo dhaweynayo cunaqabateynta laga qaaday. Waxa uu sidoo kale sheegay in aan la aqbali karin gumeysiga Israel iyo gardarada ay ka wadaan dhulka Suuriya, Turkigana uu sii wadi doono in uu ka soo horjeesto goob kasta, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay X.

 

Madaxtooyadu waxay ku sheegtay hadal kooban oo laga sii daayay warbaahinta dawladda in madaxdu ka wada hadleen "arrimo wax ku ool ah oo labada dhinac ah”.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Yasar Guler, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Ibraahim Kalin, Xoghayaha Warshadaha Difaaca Turkiga, Haluk Gorgun, ayaa qeyb ka ahaa wada-hadallada oo albaabada loo laabay.

 

Al-Sharaa, oo ku naaloonaya taageerada Turkiga ka dib intii xukunka laga tuuray Madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-asad, ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiirkiisa Difaaca Murhaf Abu Qasra iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad al-Shaibani.

 

Hoggaamiyaha ku meel gaadhka ah ee Suuriya ayaa kani yahay safarkiisii ​​labaad ee caalami ah ka dib markii uu booqasho ku tagay Riyadh oo uu kula kulmay dhaxal-sugaha Sucuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan.

 

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka qotoda dheer ee labada dal iyo dib u dhiska dalka Suuriya, iyada oo xulafada gobolka ay ka caawiyeen inay ku qanciyaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in laga qaado cunaqabateynta ba’an ee uu saaray Suuriya.

 

Washington ayaa Jimcihii qaaday cunaqabatayntii ugu horreysay ee qayb ka ah ololihii uu ku dhawaaqay Trump intii lagu jiray socdaalkiisii ​​gobolka horaantii bishan. Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku dayday, qaadista cunaqabateynta dhaqaale si uu gacan uga geysto soo kabashada Suuriya ka dib sannado badan oo dagaal sokeeye ah.

 

Dowladda cusub ee Suuriya ayaa soo dhaweysay qaadista cunaqabateynta, iyada oo wasaaraddeeda arrimaha dibadda ay Sabtidii ku tilmaantay tallaabada "tallaabo wanaagsan oo loo qaaday jihada saxda ah si loo yareeyo halganka bini’aadantinimo iyo dhaqaalaha ee dalka”.

 

Ergeyga gaarka ah ee Trump u jooga Suuriya, oo ah safiirka Maraykanka ee Turkiga, Thomas Barrack, ayaa sheegay in uu Sabtidii kula kulmay al-Sharaa magaalada Istanbul, wuxuuna ku ammaanay hogaamiyaha wuxuuna u soo jeediyey in uu qaado tallaabooyin macno leh oo ku saabsan dagaalyahannada shisheeye iyo xidhiidhka Israel.

 

Cunaqabateyntii ugu horeysay ee Maraykanka uu ku soo rogay dalka Suuriya ayaa waxa ay aheyd sanadkii 1979-kii, xiligaasi oo uu xukunka hayay Bashaar Al-Asad aabihiis Xafiz. Laakiin si weyn ayaa loo sii kordhiyey ka dib markii xukuumadda Al-Asad ay billowday olole ba’an oo ka dhan ah dibadbaxayaasha 2011, kaasoo dhaliyay dagaalka sokeeye ee dalkaas , kaas oo ay ku dhinteen boqolaal kun, malaayiinna ku barakiciyeen.

 

Cunaqabataynta ayaa lagu bartilmaameedsaday hay’ad kasta ama shirkad kasta oo la shaqaynaysa aasaaska al-Assad, oo ay ku jiraan kuwa ku hawlan dib u dhiska dalka.


Loading...
Loading...