Safarkii Madawaynaha JSL ee Jabuuti wuxuu Keenay Guul Weyn" Xildhibaan Qaasim

0
Monday May 26, 2025 - 09:24:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii Madawaynaha JSL ee Jabuuti wuxuu Keenay Guul Weyn" Xildhibaan Qaasim

    Xildhibaan Qaasim ayaa tilmaamay in dhismaha jidka isku xidhaya....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Qaasim ayaa tilmaamay in dhismaha jidka isku xidhaya....



Xildhibaan Qaasim Suleex Madar oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa boggaadiyay safarkii madaxwaynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ku tagey Jabuuti, waxaanu sheegay in uu ahaa safar ay guulo waa wayni ku lamaanaayen.

 

Xildhibaan Qaasim ayaa tilmaamay in dhismaha jidka isku xidhaya Somaliland iyo Jabuuti uu ahmiyad wayn u leeyahay guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaana gobollada Awdal iyo Sallel, sidoo kalena uu ka qayb qaadanayo kor-u-kaca dhaqaalaha dalka, waxaanu madaxwaynaha ku amaanay inuu ka dhabeeyay ballanqaadkiisii ahaa dhismaha jidkaasi.

 

Waxaanu yidhi."Safarkii Madaxweynaha Qaranka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee Jabuuti, waan boggaadinaya, sababto ah guulo waa weyn ayuu ka keenay, waxaanu sheegay in ay isla qaateen dhammaan qodobadii ay kawad hadleen, oo ay ugu horrayso dhismaha wajiga kowaad ee jidka Jabuuti iyo Saylac”.

 

Xildhibaan Qaasim ayaa tilmaamay in dhismaha jidka isku xidhaya Somaliland iyo Jabuuti uu ahmiyad wayn u leeyahay guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaana gobollada Awdal iyo Sallel, sidoo kalena uu ka qayb qaadanayo kor-u-kaca dhaqaalaha dalka, waxaanu madaxwaynaha ku amaanay inuu ka dhabeeyay ballanqaadkiisii ahaa dhismaha jidkaasi.

 

Waxaanu yidhi."Bulshada reer Saylac aad iyo aad ayay jidkani ugu baahnaayeen, 100-kii cisho ee u horeeyay madaxweynaha Qaranka ayay ku jirtay balanqaadkiisi inuu sida ugu deg dega badan u bilaabi doono, markii hore sheeko uun bay ahayd, basle hadda madaxweynuhu wuu cadeeyay in jidkaasi dhismihiisa la bilaabayo.

 

Jidkaasi ka imanaya Jabuuti waxa aanu filaneyna inuu wada gaadhi doono Somaliland, oo dhan wax badan ayuu soo kordhin doona oo bulshadana faa’iido badan u leh, jidkani waxa uu xudun u yahay dhaqaalaha gobollada Awdal iyo Sellel, koboca dhaqaalaha ee degmada Saylac qayb weyn ayuu ka ahaa”.

 

Dhinaca kale Xildhibaan Qaasim ayaa ku dheeraaday jid xumada ka jirta Boorama iyo Lawyacaddo, waxaanu xusay in dhibaato baahsan uu ku hayo gaadiidka iyo bulshada u kala safarta gobollada Awdal iyo Sallel.

 

Waxaanu yidhi."Dhawaan jid xumada ka jirta darteed magaalada Saylac gaadiid waa weyn oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku rogmaday, waxaynu og-nahay inay daadad galeen, gurmadkii loo sameyn lahaa waxa hor istaagaya waa waddo la’aanta iyo dariiq xumada ka jirta, waxaynu og-nahay dhaqaale laga helayo Kalluumeysiga, Saylac oo ah magaalo qadiimi ah waxa ay ka baxaysa godoonkii ay ku jirtey, waxaaney gaadhi doonta horumar dhinacyo kala duwan-le”

 

Geesta xildhibaan Qaasim Suleex Madar, waxa uu sheegay in safarkasta oo madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), baxa uu yahay mid la iska wada dhex arko.

 

Waxaanu yidhi."Madaxweynaha Somaliland markasta oo uu baxayo safar guud ahaan JSL, way iska wada dhex aragta marka aad eegto masuuliyiinta uu u xusho, waana mid dhiirigelisey bulshada gobolka Awdal, taasi waxay muujineysa in xukuumaddu tahay wada-jir iyo waxqabad, waxa ay taasi caddeynaysa in madaxweynaha ay lilaahiyad ka tahay waxa uu sheegaa”

 

Gaba-gabadii Xildhibaan Qaasima Suleex Madar ayaa ugu baaqay bulshada deegaannada Sallel iyo Awdal inay ilaashadaan jidkaasi la bilaabayo, isla markaana ay la shaqeeyaan xukuumadda wadajir iyo waxqabad, una fududeeyaan wax kasta oo kaga xidhma.

 

Waxaanu yidhi."Jidkani waxa uu mari doona Banka Giriyaad oo habeen mooyaane aan maalin la mari jirin, dooxyo badan ayuu marayaa, magaalooyin badan oo kala duwan ayuu marayaa, waxaaney ka faa’idi doonaan dhaqaale iyo koboc ganacsi, dalxiisayaal badan ayaa laga heli doona, balse markii hore godoon ayay kaga jireen dalka intiisa kale, biyaha, laydhka iyo gaadiidkaba waxa wata waa jidadka.

 

Bulshada degan degaannada kala duwan ee jidkani marayo waxaan ugu baaqaya inay ilaalashadaan oo xukuumadda wadajir iyo waxqabad iyo madaxweynaha Qaranka JSL, ku garab istaagaan”.


Loading...
Loading...