Hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland iyo Masraxyada Siyaasada Caalamiga ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo xukuumaddiisa ayaa todobaadkan qaaday tallaabooyin firfircoon iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo xambaarsan hirgelinta himilada qaranka, waxaana kulamo heerkoodu sarreeyo lala qaatay masuuliyiin ka tirsan dalalka Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Finland, Itoobiya iyo Jabuuti.
Socdaalkii Madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa lagu tilmaamay mid xambaarsanaa himilooyin diblomaasiyadeed oo mug weyn, kuwaas oo lagu xoojinayay xidhiidhka laba geesoodka ah ee dhinacyada ganacsiga, ammaanka, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Iyada oo kulan meeqaamkiisu sarreeyo ay wada-yeesheen Madaxweynaha JSL iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sidoo kale todobaadkan dedaallo iyo olole diblumaasiyadeed oo xoogan ka waday dalka Mareykanka, halkaas oo uu kulamo kula qaatay xildhibaanada Baarlamaanka Maraykanka, kuwaas oo si cad u taageeray arrimaha Somaliland. Tallaabadaas oo ah mid markhaati u tahay halganka muuqda ee xukuumaddu ugu jirto kasbashada taageero caalami ah.
Hoggaaminta ku dhisan dublumaasiyada ee Madaxweynaha Somaliland waxay toddobaadkan si weyn uga dhex-muuqatay fagaarayaasha siyaasadeed ee adduunka, taas oo soo bandhigtay higsiga iyo himilada xukuumaddiisa ee la xidhiidha arrimaha dibada iyo ta gudaha, iyada oo la qaaday tallaabooyin is barbar yaallay.
Dedaaladda Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL:
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa todobaadkan kulamo la yeeshay xildhibaanno sare oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka (Koongareeska iyo Senate-ka) Maraykanka, kuwaas oo qaarkood si cad u taageeray qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, waxa uu markale rejo weyn ka muujiyay helitaanka ictiraafka Somaliland, isaga oo tilmaamay in sannadkan gudihiisa ay Somaliland helayso aqoonsi. Arrintaas ayaa muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee ay xukuumadda Somaliland ku qabto dadaallada ay ugu jirto aqoonsi buuxa.
Wasiirku wuxuu xusay in xidhiidhada cusub ee diblomaasiyadeed ee la sameeyay iyo taageerada ay Somaliland ka helayso qaar ka mid ah saaxiibadeeda caalamiga ah ay yihiin calaamado muujinaya isbeddelka muuqda ee xagga siyaasadda arrimaha dibadda. "Ictiraafku waa mid aynu u baahanahay in aynu dhammaanteen ka wada shaqayno. Waa in aynu qalbiyadeenna mideynaa, isku duubnaanaa, gacmaha is-qabsannaa.,” ayuu yidhi Wasiirku.
Hadalkan Wasiirka Arrimaha Dibaddu ugu bushaareeyay bulshada JSL maaha mid ku salaysan rejo keliya. Wuxuu dul istaagay isbeddel dhab ah, taageero muuqata, iyo xidhiidh istiraatiiji ah oo lala sameeyay dalalka waaweyn ee dunida sida Mareykanka.
Xogta iyo Falanqaynta
Midhaha ka dhashay hoggaaminta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland toddobaadkan waxay muujinayaan xeelad isku dhafan oo u dhexeysa siyaasadda arrimaha gudaha iyo tan dibadda. Sidoo kale, isu-soo-baxyadii caalamiga ahaa ee lagu xusay maalinta Qaranimada (18-ka May) iyo ololaha wacyigelinta bulshada qurbo-joogta ah ayaa xoojinaya doorka diblomaasiyadda dadweynaha (public diplomacy), oo laf-dhabar u ah horumarinta qaddiyadda Somaliland.
Kor u qaadista heerka xuska sannad-guurada 34-aad ee dib-u-soo-celinta madaxbannaanida Somaliland ayaa lagu muujiyay gudaha dalka iyo in ka badan 70 magaalo oo ku kala yaal 50 waddan oo caalami ah. Tani waxay marag u tahay fahamka dowladda iyo hoggaankeeda ee ku saabsan doorka muhiimka ah ee qurbo-joogu ku leeyihiin horumarinta qaddiyadda qaranimo.
Bulsho u Heellan Qarannimada:
Muuqaalka gudaha Somaliland wuxuu caddaynayaa in bulshadu ay mideysan tahay, una heelan tahay in la dhameystiro riyadii qaranimo ee lagu dhawaaqay 1991. Dadaalka shacabka iyo dowladda ayaa ku saleysan hal-ku-dhigga ah in dadka Somaliland ay xaq u leeyihiin in ay go’aan sadaan mustaqbalkooda siyaasadeed.
Gunaanad:
Toddobaadkan wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo muujiyay firfircoonida xukuumadda Somaliland, hoggaaminta hufan ee Madaxweynaha, iyo dadaallada muuqda ee lagu horumarinayo siyaasadda gudaha iyo xidhiidhada caalamiga ah. Kuwaas oo ah tiirarka muhiimka ah ee Somaliland ku gaadhi karto aqoonsi buuxa iyo xasilooni waarta.