Madaxweyne ku Xigeenka JSL oo Daah Furay Barnaamij-ka Ololaha Tallaalka Qaranka

0
Monday May 26, 2025 - 08:12:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne ku Xigeenka JSL oo Daah Furay Barnaamij-ka Ololaha Tallaalka Qaranka

    "Ilmo kasta oo reer Somaliland ahi waa in aanu waayi karin talaalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ilmo kasta oo reer Somaliland ahi waa in aanu waayi karin talaalka



Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa shalay si rasmiya magaalada Hargeysa, uga furey barnaamijka ololaha tallaalka qaran, kaas oo lagu tallaalayo cudurradas Oofwareenka, Dabaysha iyo Jadeecada.

 

Barnaamijkan madaxwayne ku xigeenka Somaliland daahfuray ayaa loogu magacdaray barnaamijka ololaha talaalka ee heer qaran kaasi oo lagaga hortagayo cudurada faafa, sida Dabaysha, Jadeecada iyo Oofwareenka.

 

Geesta kale Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa carrabka ku adkeeyey sida aanu u waayi Karin Ilmo kasta oo reer Somaliland ahi meel uu dalka ka joogaba helintaanka talaal, waxa kale oo uu intaas ku daray in ay kudaba joogayaan masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, waxa kale oo uu Madaxwayne ku xigeenku tilmaamay in ay dunida qariib ka tahay ilmo aan Talaalnayn.

 

"Ilmo kasta oo reer Somaliland ahi waa in aanu waayi karin talaalka, meel kastana waa in uu yaalaa tallaalku, anaguna waanu ku dabagalaynaa wasaaradda Caafimaadka, adduunka waa ku qariib in la arko ilmo aan talaalnayn oo haddana soconaya”Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka JSL.

 

Mar kale Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali ayaa faray wasiirka iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka in talaalkan la joogteeyo oo aanu noqon mid hal mar la qabto isla markaana sanado badan kadib mar kale la soo xasuusto waxanu madaxwayne ku xigeenku yidhi "Waxan rajaynayaa in talaalkaa mudadaa shanta cisho ah in lagu fulin doono oo waliba la joogtayn doono, wasiir iyo agaasime guud waa in la joogteeyaa oo aanay noqonin wax maalin la qabtay oo sanado marka la ilaawo dib loo qabto”

 

Gabagabadii, Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay in aan la joojin Karin dhimashada Caruurta balse Tallaalku uu yahay mid lagu yaraynayo la noolaanshaha xanuunka mudda badan ee caruurta.


Loading...
Loading...