Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Fariin udirtay Madaariista iyo Jamciyaddaha Qur'aanka Kariimka.

0
Sunday May 25, 2025 - 14:52:51 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Fariin udirtay Madaariista iyo Jamciyaddaha Qur'aanka Kariimka.

    Wasaaraddu wax wada shaqayn ah lama yeelayanayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaraddu wax wada shaqayn ah lama yeelayanayso
May be an image of text


 Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland, Mudane Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa maanta soo saaray go'aamadan kala duwan ee u qoran sidan.

1.Wasaaraddu waxa ay Jamciyad quraan u aqoonsatay ugu yaraan marka ay
ku midoobaan 50 madarasadood iyo wixii ka badan.

2. Waxa la farayaa Dhammaan madarasadaha aan ku jirin jamciyad qur'aan in
ay ku biiraan jamciyadaha qur'aanka ee wasaaradda ka diwaangashan inta
ka horaysa 01/08/2025.

3. Wasaaraddu wax wada shaqayn ah lama yeelayanayso madaradaha gaarka
ah ee aan ka tirsanayn jamciyad qur'aan.

4. Masaafada ay isu jirayaan Madaarisku waa in ay ahaadaan 360 mitir oo ah
afarta jiho.

5. Xafladaha sanad Dugsiyeedka Madaarista qur aanka waxa la qabanayaa inta
dhaxaysa 1-Sep ilaa 31-october.
Loading...
Loading...