Dhamaadka banii aadamnimada:-
Haa waa sax saaxiib, waxeeynu dhisanay dabaqyo dhaadheer, waxaana ku hanweenahay inaan gaaro meerayaasha iyo waliba xidigaha.
Haa waa sax saaxiib, waxeeynu yeelanay hanti fara badan, oo xita dhaxal ku filan caruurteena 4aad waan aruurinay.
Haa waa sax saaxiib, Aqoonteenii maadiga ah waan hormarinay oo waxaan gaarnay heer aan robotyo ikhtiraacno deedna ay inoo shaqeeyaan, waliba inagoo remote ku hageeno.
Haa waa sax saaxiib, waan duulnay oo dalalka oo dhan saacado gudahood baan isaga gooshi karnaa.
Haa waa sax saaxiib, waxaan yeelanay saaxiibo fara badan oo baraha bulshadeena ku xiran waliba ilaa 5000 ayeey gaarayaan.
Lkn, guulahaas oo dhami midina ma daweeynin qof inaga mid ah;
~waayo saaxiib, waxaan daawanaa maalin walbo caruur, hooyooyin, iyo waliba duqoowsho lagu dilaayo nolosha, oo aanan aqoonin sababta dhabta ah ee loo dilaayo.
~waayo saaxiib, waxaan ka fogaanay inaan la falgalno deegaanka, mid waliba oo inaga mid ahna waxa uu habeen waliba ku seexdaa codka roobka oo uu youtubeka daarto.
~waayo saaxiib, ragu bahalo aheey noqdeen, waxeeyna gacanta ku wada wataan mindiyo iyagoo diyaar u ah ineey qudha ka jaraan dumarkii, dumarkiina waxeey noqdeen kuwa loolan iyo dagaal adag kula jira ragga, intii eey raadinaayey xaquuqdii raga uga maqneed ayeey noqdeen kuwa haamaanyaal ah, qalbi kakan, misane iloobay naxariistii lagu beeray.
~waayo saaxiib, madaxdii waxeey noqdeen kuwa caado qaatayaal ah, oo ay hadaladoodu isburinayaan, oo aan shacabkooda iyo askartooda u tureeynin, waxeeyna go’aan ku gaareeyn in la laayo qof waliba oo aanan ayaga ku saf aheeyn, se inaga waxeey inoo soo jeediyaan khudbado qiiro jabaan ah oo aanan wax qabad lagu lareeyn, malaha waxeey inoo arkaan dhagxaan aanan dareen laheeyn.
~Saaxiib, bal fiiri dadkii hore waxeey daganaayeen guryo yaryar oo aan dhagax aheeyn, se qalbiyadoodu waxeey ahaayeen kuwa isku furan oo isjecel, misane iswada yaqaana oo iska wada warqaba, se haatan waxeeynu yeelanay saaxiibo fara badan oo aanan maanta mid ka mid ah u sheegan karin dhibaatooyinkeena maadiga ah iyo kuweena ruuxiga ahba.
Waa sax saaxiib, waxaa ina helay kuwa gun ah, oo aan nolosha waxba ka aqoon, oo eey u daran tahay tooda lee,se ha ilaabin saaxiib waxaa jiro saaxiibo wanaagsan, oo sida adiga oo kale ah, misane qalbiga ka dareemayaa qoraalkaan aad hadda aqrineeyso, inta eey jiraan dadkaas oo kalana, wali waxaa nool qayb ka mid bani aadamnimada, waxaana na sugaayo inaan badalno nafteena, iyo waliba dadka inagu hareereeysan.
W/Q:-Caawiye Ciiltire Cali
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!