Socdaalkii Berbera, Iyo Cilmi Korodhsigii. .. Gallad Eebaheen, Guul Iyo Gobonimo.
balse waxaan
doorkan u jihaystay halka iyo caasimada gobolka saaxiil marsada magaalo
xeebeedka berbera. Runtii iyo raynrayntii iyo rasmiga hadalka haddaan u
dhaadhaco waxa si weyn ii qaabilaygudoomiyaha gollaha degaanka ee barbera isagoo xiligaa ku sugan Bebera oo aad u mashquulsanaa hawlaha ka socda
awgood, isbaradiin dabadeed waxa u
maayarku oo ah CABDI SHAKUR CIDIN warbixin kooban iga siiyay sida ay wax u
wadaan una dhaqaajiyeen hawlaha loo igmaday, waxa kormeero badan oon intii aan
joogay indhahayga ku soo arkay nagu wahelinayay XOGHAYAHA DAWADA HOOSE iyo
MADAX ARRIMAHA BULSHADA oo faafaahin dheeraad nagu kaalinayay, oo runtii aanan
ilaawi karin,waxyaalaha maankayga soo jiitay miyirkaygana xasiliyey waxa ka mid
ahaa marka laga yimaado wadooyinka iyo jidadka quruxda badan, guryo ka badan oo ah 185 guri oo dawlada hoose dhistay una qaybisay dadka
danyarta ah oo lagu kaalmeeyay ,waxa kale oo dawlada hoose xafadaaha dadka la
dajiyay u sameysay dhamaan adeegyada asaasiga ah. Sida xarun caafimaad, goobo
wax barasho misaajido xarumihii amniga laga sugayay sida xarumo bileys, taasoo
yididiilo kugu abuuraysa kuna tusaysa sida haddii meel loo hagar baxo guulo la
taaban karo looga gaadhi karo,intii aan joogay goobta aad odhankarto Waa
magaalo kale oo Berbera ku taalaa waxaan la kulmay dad ka hawlgala qaybaha arrimaha
bulshada Waxaanay ii sheegeen in dawlada hoose ka taageerto dhamaan hawlaha
adeegyada bulshada sida, helitaan biyo nadiifa kor u qaadista fayo dhawrka.
Waxa wax lagu farxo
ah Mar aan xaal waraysi la lahaa godoomiye C/ Shakur CIDIN in shaqsiyad ahaan u yahay qof aan lahayn wax
balwed ah taasina keentay in had iyo goor laga helo goobtiisa shaqada xilliyada
loo asteeyay in shaqadu socoto oo maalinkasta 7 subaxnimo Ila 2da duhurnimo ay
si joogto ah hawlaha u fuliyaan.
Waxyaalaha Marag madoonta ah waxa ka mid ah sida uu Mr CIDIN ii sheegay in uu ahaa qof iskii u shaqaysta oo leh Hanti magaalada shaqo abuur soo kordhisa sidaa darteed u go'aansaday inuu bulshadiisa u shaqeeyo sidii markii u ahaa qof iskii u shaqaysta, uu dad badan ku saaciday, in uu shaqo siiyo imikana u dhexda u xidhay inuu dhaqaajiyo waajibaadka saaran. Taasina keentay in berbera oo ahayd marsadii noqoto muraayadii waxqabadka.
Maashaariicda ka socota markii aan u kuurgalay waxaan ogaaday in maskax iyo muruq laysku geeyo lagu hanan karo muftaaxa Horimarka ee bulsho ku gaadho guulo wax ku oola. KARTI KALSOONI iyo KARAAMO aad u dhalatay ayaa ah dhaayaha wax lagu arko, awooda wax lagu dhiso, arrinka talo lagu gooyo. maaha in aad PHD sidato balse Waa inaad sidato GO'AAN GEESINIMO, GORFAYN TALO, GACAN HAWL KARNIMO. .socdalka aan berbera ku tagay waxaan ka soo faa'iday laguma soo koobi karo Hal iyo laba maalmood balse Saadaasha iyo Odoroska iyo ifafaalaha muuqda mustaqbalka waxay noqonaysaa Dubai Ama honkong waana midhaha ay beereen golaha degaanka ee berbera . Taariikhda ayaana xusi doonta
Qalinkii ifraax Cali Kirix