Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dalbanaya Baadhitaano Lagu Sameeyo Eedaymaha Dawlada Qatar
Muqdisho(HWN):-Baarlamaanka soomaaliya ayaa dalbanaya in baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo eedaymaha loo jeedinayo dawlada Qatar ee la xidhiidhiyey weeraradii dadku ku dhinteen ee ka dhacay gudaha soomaaliya.
Guddida arimaha dibada ee baarlamaanka soomaaliya ayaa dawlada ka codsaday in baadhitaano xog dheeraad ah lagu sameeyo eedaymaha loo jeedinayo dawlada Qatar.
Warar rasmi ah oo laga helayo guddida arimaha dibada ee baarlamaanka soomaaliya ayaa sheegaya inay dawlada u gudbiyeen warqad ay kaga dalbanayaan in dawladu ay samayso baadhitaano dheeraad ah.
Markii ugu horreysay waxaa ay eedeymaha soo shaac baxeen, markii wargeyska New York Times ee dalka Marekanka uu sheegay inuu helay hadal dhex maray nin ganacsade ah oo ku wargelinaya safiirka Qatar ee Soomaaliya inay ogyihiin weerar bishii May ka dhacay magaalada Boosaaso oo ay ka dambeeyaan maleeshiyaad fulinaya danaha Qatar ee ah in Imaaraadka uu ka cararo magaalada Boosaaso.
Dowladda Qatar ayaa iska fogeysay dhammaan eedeymaha ka soo muuqday warbixinta wargeyska New York Times ,iyada oo xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay inay ku qanacday sida ay dowladda Qatar u diidday eedeymaha.