Mowduuca maanta dhiig karka ( hypertension)
Dhiig-karka Labaad (Secondary Hypertension)
Qeybaha dhiig-karka
Calaamadaha Dhiig-karka
Dhiig-karka (hypertension) waa xaalad caafimad oo joogto ah kaas oo keeneysa inu sare ukaco cadaadiska oo dhiigu kumarayo xididada waxuuna keeni kara dhaawacyo joogto oo ku yimaada wadnaha, maskaxda, kiliyaha, indhaha

1. Dhiig-karka Aasaasiga ah (Primary Hypertension)
Noocan waa kan ugu badan, wuxuuna si tartiib ah u horumaraa sanado badan iyada oo aan la helin sabab cad. Arrimaha kor u qaada khatarta waxaa ka mid ah: da’da, hiddo-sideyaasha, cunto milix badan leh, cayil, jimicsi la’aan, iyo cadaadis maskaxeed joogto ah.
2. Dhiig-karka Labaad (Secondary Hypertension)
Noocan waxaa sababa xaalado caafimaad oo kale sida: cudurrada kelyaha, dhibaatooyinka qanjirka tayroodhka, ama isticmaalka daawooyinka qaarkood. Wuxuu si lama filaan ah u soo baxaa waxaana lagu gartaa cadaadis dhiig oo aad u sarreeya marka loo eego nooca aasaasiga ah.
5. Dhiig-karka Xilliga Uurka (Gestational Hypertension)
Wuxuu dhacaa inta lagu jiro uurka, gaar ahaan ka dib 20 toddobaad. Haddii aan la daaweyn, wuxuu keeni karaa dhibaatooyin sida preeclampsia, taas oo khatar ku ah hooyada iyo ilmaha.  

Dhiig-karka badanaa calaamado ma laha, taasoo sababta in loo yaqaan "dilaa aamusan.” Si kastaba ha ahaatee, marka cadaadiska dhiigga uu aad u sarreeyo, calaamadaha soo socda ayaa laga yaabaa inay muuqdaan:
• Madax-xanuun daran
• Indho oo dhibato ku timado
• Dhibaato neefsashada
• Daal ama wareer
• Dhiig ka yimaada sanka
• Xanuun laabta ah
• Dhiig ka muuqda kaadida
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...