Inagoo Falastiin Oo Kale Ah, Oo Dhagxaan Tuurayna, Waa La Arki Doonaa

0
Friday July 26, 2019 - 15:46:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inagoo Falastiin Oo Kale Ah, Oo Dhagxaan Tuurayna, Waa La Arki Doonaa

    Inaad Hogaamiye wanaagsan noqoto waxaa ka horaysa inaad leedahay mabaadii',

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaad Hogaamiye wanaagsan noqoto waxaa ka horaysa inaad leedahay mabaadii',

qiyam, iyo nadariyad qowmi ah oo ku qotonta inaad noqoto mid dhaxal wanaagsan ifka ku reeba ayaamaha uu nool yahay, si ay jiilasha danbe u noqdaan kuwo uu ku dayasho suuban u noqdo raadkii aad reebtay, isla markaana u sii xaadha bay’ad iyo deegaan xasiloon, oo horumar iyo badhaadhe ka jiro jiilasha danbe ee aan weli dhalan si aanay meel cidlo ah ugu soo dhicin. Marka la eego sida aynu u fekero mujtamac ahaan,Aaabe iyo hooyo kastaa waxay xooga saaraan inay ubadkooda dhaxal aduunyo iyo mid aakhiroba uga tagaan inta ay nool yihiin si aanay geeridooda kadib asaagood u dawarsan, laakiin, mujtamac ahaan uma fekero inay dal ahaan iyo dad ahaanba ubadkeena uga tagno Waddan dhaxal wanaagsan oo maadi iyo macnawiba ku dhex leh dunida qayrkiis ah, si jiilasheena u noqon kuwo dawarsada jiilasha k noolaan doonaa dhulalka kale ee qayrkood ah. Hooyo iyo aabe ahaan Weli ma is weydiinay, Muxuu macno u samaynayaa caruurteena dhaxalka aynu qoys ahaan uga tagno haddiiba dalkii iyo dadkii uu ka mid ahaa uu dhaqaale ahaan, dhaqan ahaan, bulsho ahaan, iyo siyaasad ahaanba burbursan yahay? Tusale ahaan, Intii u dhaxaysay, qarnigii 15-20 aad waxaynu awoowayaasheenii hore ka dhaxalnay taariikh ku qotontay in qabaailku is weeraan, oo xoolaha kala dhacaan, kadibna isu teriyaan gabayo ku qotoma wiidhsi, faan, goodi ku aadan midba kan kale wixii uu geystay, tanina waxay ahayd, sidii loo fekerayay, ama loo noolaa dawladnimada ka hor, lkn, nasiib darro, inagoo ku jira qarnigii 21-aad oo dadyowga kale hawada sare isku haystaan, inagoo weli waxaynu taaganahay halkii awoowayaasheenii tegay taagnaayeen qarniyadaas hore, oo wax cusub lamaynaan iman si kastoo aynu wax dawlado loogu yeedho u yeelanay.



Madaxda Soomaalida ee Maanta

Tan iyo 1960-kii, Soomaalida dawladihii kala gedisnaa ee ka dhashay halkaas, weli kama dhalan hogaamiye leh aragti wadaniyadeed, oo wadata istraatijiyad qaran oo uu dadkiisa ku hogaamiyo, aragtidoodu kama badnayn labo arimood oo kala ah: 1) inuu ka fekero sidii uu kurisga ugu sii waari lahaa abid 2) Hanti urursi iyo Maal urursi, iyagoo umadooda ku isticmaala qaacidadii ay gumaystaha kazoo minguuriyeen ee qaybi oo xukun ku qotontay, foormuladan isticmaalkeeda waxaa hidda u leh hogaamiyayaasha dibu-socodka ah ee dantoodu kala weyn tahay tan umadda, laakiin , hogaamiyayaasha horusocodka ahi waxay isticmaalaan qaaciido tan ka duwan, oo ah, in midnimadda iyo wadajirka bulshadda la xoojiyo, kadibna loo jiheeyo dhinaca horumarka, jacaylka kursigana waxaa kala weyn muxibadda ay u qabaan inay arkaan dadkooda iyo dalkooda oo horuukaca, mana ah kuwo sii jeclaysta inay kursiga ku sii waaraan, taas bedelkeeda, waxay barbaariyaan dhiig cusub oo fikirkooda iyo aragtidooda hogaamineed ku qalabaysan oo halkaas kasii wada geediga iyo hayaanka guusha.


Tayada kuwa maanta jooga

28 sanadood ee u danbeeyay taariikhda dawladnimadda Soomaalida, kuwa maanta joogaa waa kuwii ugu liitay ee abid ina soo mara, bal u fiirso Akhriste, hanka iyo dabeecadaha hogaamineed ee kuwa maanta hogaamiyayaasha ka ah dhulweynaha soomaaliyeed meelkasta oo uu yahayba, Afartan arimood ayaa saldhig u ah damacooda hogaamineed:

1.Inay ka tanaadaan maalka umadda masaakiinta ah ee masiirkoodii ku aamainay


2.Inay xejistaan kuraasida ay ku fadhiyaan, si damacooda iimaan la’aanta iyo damiir xumadda ku qotomaa usii waaro, iyagoo bulshada soomaalida qolo-qolo isaga hor keenaya, oo midba kan kale cadow uga dhigaya, Sidee bay umadd xoogeedii, caqligeedii iyo Quluubteedii ay qaybiyeen kuwii hagayay ay horumar iyo barqaawo u tiigsan kartaa?


3.In mid waliba quwado shisheeye ku tiirsado, isagoo fulinaya dhamaan danaha ay ka rabaan, xataa haddii uu dalka wareejin karayo.


4.Hantida ay umadda ka xadaan, waay daaro dhadheer iyo guryo qurxoon kaga iibsadaan wadamo shisheeye oo hogaamiyayaal iyagoo kale ahi horu-maryeen, xataa dhulalka ay hogaamiyaysaha ka yihiin waxay u quudhi waayaan inay hantidii ay ka xadeen dib ugu maalgeliyaan si dadkii lahaa wax uun ugu soo noqdaan


Gebagebo:

Isku soo wada Duuboo, Fashilka dawladnimada Soomaalida haleelay waxaa sabab u ah wadaniyad xumida iyo aragti la’aanta hogaamiyayasheedii siyaasiga ahaa, kuweedii dhaqanka iyo aqoonyahanka fadhiidka ah oo is barkan, isla markaana qabyaalad ehel mooday, iyadoo gobol walba kan xiga caddow looga dhigay, Ethopia iyo Kenyana Walaal looga dhigay, taasina waxay fursad siisay in shisheeyuhu sida uu rabo uga muraadsado, haddii ay sidan ay tahay kusii socotana, waxaynu ku danbayn doonaa sida Falastiin oo kale aakhirka, Haddii aynaan sida aynu u noolahay iyo sida aynu u fekerayno maanta wax laga bedelin, oo aan caqliga la magansan, waxaana la arki doonaa iyadoo dalka shisheeye inaga qaaday, oo aynu meelaha dhagxaan iyo Taayiro gubayno sida Falastiinta maanta, Waxaanan hubaa inaan dad badani aanay la dhaci doonin qormadaydan marka loo eego sidaynu haatan u fekerno oo aan qaaqici ahayn.


NB: Nina Umaan Dhaweyn, ee Cidlaan Dhaabay waran kaas.

Qalinkii, Hussein Mohamed Mohamoud (Xuseen-laki)

Burco, Email, [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...