Inagoo Nool ayeey ina duugeen:-

0
Friday May 16, 2025 - 15:32:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Inagoo Nool ayeey ina duugeen:-

    Se waxa uu moogan yahay noloshu ineeysan aheeyn in neef

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Se waxa uu moogan yahay noloshu ineeysan aheeyn in neef


——————————————————————————Ceeb maaha qofku inuu ka tago dalkiisa, se waxaa cadaab ah inuusan aqoonin halka uu u socdo, waxaa taa kasii daran dadkii heerkaan umada soo gaarsiiyey ineey wali dhoosha ka qoslayaan.


Maamada hoose waxay tiri waxaa iga maqan 5,000$ oo aan ku tahriibi rabay, kolkii la weeydiiyey xagee u socotaana? Waxeey ku jawaabtay ma aqaano.

Ma taqaanaa inuu qofku aqoon waayo halka uu u jeedo waxa ay ka dhigan tahay? Waa inuu is-dhiibay ruux ahaan, jir ahaan, iyo waliba caqli ahaan!. Waa inuu ka daalay noloshaan silica iyo saxariirta ah, uuna rabo inuu gaaro nolol hodan ah amaba uu geeriyoodo isagoo hankiisa ka dhabeeynaya.

Sidoo kale, waxaa naf is-geliyey gabar yar oo dhalin-yaro ah (f.s. 2aad) oo iyadana ka mid ah dadkii socdaalayey, waxeeyna tiri anigu nolol ayaan raadinaayey? Gudoomiyihii waxa uu ku jawaabay hada ma noolid miyaa?

Se waxa uu moogan yahay noloshu ineeysan aheeyn in neef la qaato, la cuno, la cabo, deedna la seexdo, ee nolosha dhabta ah tahay in qofku shaqsi ahaan, iyo waliba ruux ahaan, uu dareemaayo amni, daganaasho, iyo waliba xasilooni, hadii uunan halka uu joogo ku dareemeynina waxaa qasab ah inuu ka raadiyo halka uu ku dareemaayo.

Dhamaantood waxa ay heestaan baasabooro awood badan, maalinta ay doonaan ayeey si farxad iyo reereyn leh dalka uga baxaan, uguna soo noqdaan, waxaa intaasi sii dheer ineey ku nool yihiin canshuurta inagala qaado iyagoona waxba inoo qabanin, waxeey dhuuqeen dhigeena? Waxeey xadeen hankeena? Waxeeyna inaga dhigeeyn laf dhuux la’aan ah iyo geed qalalay, kolkaas ayeey hadane inagu sii maadeeysanaayaan…..
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...