Dalka Mawada Yeelanaa!!

0
Friday July 26, 2019 - 15:44:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Mawada Yeelanaa!!

    Hadaad hadasho waa afsalax kudheg, hadii kalena adhiga sida laga dayn maayo; (ina-xagaa dheere).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaad hadasho waa afsalax kudheg, hadii kalena adhiga sida laga dayn maayo; (ina-xagaa dheere).

Xukuumad
*********  ********        ***********
1. Maamulka Maaxweyne (Fulintii) ilaa Maaliyad (Dhaqaalihii) ilaa Maxakamad (Xukunkii), ilaa Milatray (Awoodii) intuba waxay gacanta ugu jiraan xukuumadda waana isku wada sumad saaka. Ma ku noqon karnaa dawlad sidaas?.

*********  ********        ***********
Comissionka Doorashooyinka.
*********  ********        ***********

1. Xukumadda ayaa magacawda  aqlabiyada comision-ka doorashooyinka qaranka waana aasaaska cadaaladeed ee dal laga unko. Hadii saamigu dheeliyo sadexda xisbi qaran ee xubnaha Commission-ku. Ma inoo dhisi karaan dawlad cadaalada?.

*********  ********        ***********
LOCAL NGO (Budget-ka ku leh dawladda.
*********  ********        ***********
1. Sonyo  (waxay qol ku xidhatay dhalinyaradii Somaliland oo dhan)
2. Nagaad iyo Now (waxay qol ku xidheen Haweenkii dalkoo dhan)
3. Solja (Waxay qol ku  xidheen saxaafadii dalkoo dhan)
4. Sonsaf (Waxay noqotay qol u xidhan Komishanka)
5. Academy of Peace and Development ( Waxay qol ku xidheen nabadii)
5. Sahan (Waxay xeraysteen mashaariicdii waalida iyo miyir qabka).

Ninba intuu in xeraystay ayuu mashruuc wayn oo aan go'ayn  ku helay.  Maku heli karnaa Somaliland la wada leeyahay?

*********  ********        ***********
Maalgashiga iyo Haruumarinta Kaabeedyadda dhaqaalaha
*********  ********        ***********
1. Maamulkii shidaalka dalka,
2. Wershadii Sibidhka
3. Dhiskii balaadhinta Dekeda
4. FREE ZONE-Kii
5. Balaadhintii Wadooyinka (Bebera Corridor).
6. Mashaariicdii JPL-ga.
7. Mashaariicdii Biyo gelinta.
8. Bixinta Laydhii dawlada
9. Awoodii horumarineed ee dawladaha hoose ee hargeisa dhamaantood waxa loo maamulay si ka fog cadaalada, sinaanta iyo waxwada lahaanshaha.

Markaa wax ma kuwada yeelan karnaa sidaas?

*********  ********        ***********
Aasaaska Gobolo Cusub:
*********  ********        ***********
Siyaasiga xalaasha ah ee ku dhaca leh ayuun baa samayn kara guri cusub.  Waa Formula laysla yaqaan.

Ina Cigaal ( Abuurka Gobolka saaxil)
Ina Biixi  (Abuurka Gobolka Gebilay).

Taas oo micnaheedu yahay in ay la saami noqdaan gobolada waaweyn xil, xoolo iyo meeqaaanba.
Sidaasi mayna dhaqdaa?

*********  ********        ***********
Gaba-gebo
*********  ********        ***********
Mar hadii meel waliba noqotay aqal yar oo cid gaara u xidhan.

Miyaanay markaa haboonayn in nin waliba qolka ugu dhaw uu kusoo dhejiyo qafil weyn inta laysugu imanayo?

by Adam Ali.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...