Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo Kulan La Qaatay Hay'adaha Caalamiga ah ee La Shaqeeya Wasaaradda
Dhanka kale, wakiillada hay'adaha caalamiga ah ayaa dhankooda.....
Hargeysa – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee sida dhow ula shaqeeya Wasaaradda.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda caafimaad ee guud ahaan dalka, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyey korodhka xanuunka jadeecada oo kasoo cusboonaaday qaar kamid ah gobollada dalka. Waxaa sidoo kale laga dooday doorka hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaaradda iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca ka hortagga xaaladaha degdegga ah iyo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka caafimaad ee soo noqnoqda.
Agaasimaha Guud, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa xusay muhiimada wada shaqeynta joogtada ah iyo is-dhexgalka hay’adaha, isagoo carabka ku adkeeyay in iskaashi wax ku ool ahi uu saldhig u yahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.
Dhanka kale, wakiillada hay’adaha caalamiga ah ayaa dhankooda muujiyay diyaar garowgooda iyo ka go’naanshahooda ku aaddan taageerada Wasaaradda, si looga hortago xaaladaha degdegga ah oo ay kamid yihiin cudurrada faafa sida jadeecada.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo dejinta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu xakameynayo xaaladaha caafimaad ee guud ahaan dalka.
Loading...
Loading...