DEG DEG Wasiir ku-xigeenka Beeraha oo Qaabiley Wefti ka socday Hay'adda La-dagaalanka Ayaxa ee (DLCO-EA)
Kulankan oo lagaga wada-hadlay hawlaha la xidhiidha
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL, Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, ayaa Maanta qaajiley wefti ka socday hay'adda DLCO East Africa, taasi oo ka shaqaysa La-dagaalanka Ayaxa bariga Afrika.
Kulankan oo lagaga wada-hadlay hawlaha la xidhiidha La-dagaalanka Ayaxa, oo Wasaaradda Beeruhu u qaabilsan tahay Qaranka Somaliland iyo waxyeelada Sumuhu u geystaan dadka iyo degaanka, ayaa waxa Wasiir ku-xigeenka ku wehelinayey Agaasimaha waaxda badbaadada Beeraha Faa'isa Maxamuud Raage iyo xubno ka mid ah hawl-wadeenada xafiiskeeda.
Wasaaradda beeraha ayaa dadaal xoogan gelisa sidii loola dagaalamilahaa Ayaxa, faraha baas ku haya wax soo saarka iyo dhul-daaqsimeedka.
Loading...
Loading...