DEG DEG Trump iyo Axmed Sharac oo ku kulmay Riyaad

0
Wednesday May 14, 2025 - 21:01:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Trump iyo Axmed Sharac oo ku kulmay Riyaad

    Kulanka oo ahaa kii horeeyey ee ay yeeshaan labada hogaamiye,....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka oo ahaa kii horeeyey ee ay yeeshaan labada hogaamiye,....
May be an image of 3 people, the Oval Office and text


Madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Suuriya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Riyaad ee caasimada Waddanka Sucuudiga, halkaasoo ay labadooduba booqasho ku joogaan.

Donald Trump madaxweynaha Dalka Maraykanka ayaa ku tilmaamay hogaamiye dhab ah dhigiisa Suuriya Axmed Sharac oo xilka madaxweynenimo ku helay isbedeladii Dalkaasi ka dhacay horaantii sanadkan.

Kulanka oo ahaa kii horeeyey ee ay yeeshaan labada hogaamiye, si weynna u soo jiitay indhaha caalamka,ayaa waxa ku wehelinayey Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasoo uu dalkiisu martigeliyey hogaamiyeyaasha Maraykanka, Suuriya iyo Turkiga.

Kulamada ayaa lagaga wada hadlay xaalada Bariga dhexe, Iskaashiga dalalkan iyo sidii loo xalilli lahaa xasaraddaha ka ooggan Gobolkaas.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuu la shaqaynayo nidaamka dawladdeed ee ka dhismay Suuriya, taageerona uu u muujinayo hogaamiye Axmed Sharac.

Dawladda Maraykanka ayaa Salaasadii sheegtay inay cunnoqabateynta saarnayd ka qaaday Dalka Suuriya.

Tan ayaa lagu tilmaamay talaabo guul weyn u ah maamulka cusub ee Dimishiq.
Loading...
Loading...