China mise Taiwan
Somaliland waxay dhalatay dhamaadkii dagaalkii Qaboobaa, ee ka dhaxeeyay isbahaysigii galbeedka iyo midawgii Soofiyeetka. Tani waxay fursad u noqotay gabolka geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliland. May jirin faragalin shisheeyo oo saamayn badan ku yeelata gobolka. Waxay fursad siisay dadkii deganaa gobolka inay si madax banan u maamushan danahooda siyaasadeed. Soddon sanno kadib taasi waa ay isbadashay, dagaalkii qaboobaana hadda dib ayuu u bilaabmay waxaanu dhexmarayaa Isbahaysigii Reer Galbeed iyo China. Dhaqaale iyo farsamo ahaan waa isku dhawdhawyiin, maqaalkana kaga hadli mayno isbarbaridhigooda, se waxa aynu kaga hadlaynaa arrin si dadban ula xidhiidha oo ah sida ay Soomaaliland u miizaamilahayd xidhiidhka Jayna iyo Taywaan.
Todobadii sanadood u danbeeyay waxa ay Soomaaliland xidhiid la yeelatay Taywaan. Taywaan waxqabad la taaban karo ayay galisay Soomaaliland, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka oo ay hadda sida la sheegayo qorshaynayso Hospitalo dhisto. Taywaan kaalmaha hore ayay kaga jirtaa aqoonta, farsamada iyo dhaqaalahba, waana wadan waxbadan laga faa’ido karo. Sidoo kale waxa ay Soomaaliland wadaagan goobitaanka madaxbanaani dhamaystiran. Xidhiidhkan ayaa waaxa daaha dabadiisa kariixaya awoodaha reer galbeedka, waxa se layaableh dhamaan wadamada reer galbeedku midna ma aqoonsana Taywan waxaanay wataan siyaasada Jayna hal ah "One China Policy”
Inkastoo ay jirijireen wadamo badan oo aqoonsanaa Taywaan, haddana badiba wadamadaasi way kala laabteen aqoonsigii, waxaanay u hogaansameen cadaadiskii Jayna dano dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Reer Galbeed oo dhaqaale iyo milatari ahaanba ka sarreeya Jayna may aqoonsan, sidaas aawadeed waa in reer Soomaaliland iswaydiiyaan maxaynu ka faa’idaynaa Taywan aqoonsigeeda maxaynu se ku waayayna.
Sidaynu kor ku xusnay Taywaan wax badan ayaynu ka faa’idi karnaa iskaashigeeda, gacan hadday noqotana ayadaa inooga badinaysa Jayna, Reer Galbeedka iyo Carabtaba sababa dhawra awgeed. Taywaan waxay u baahantay aqoonsi iyo iskaashi, si ay iskaga caabiso cadaadisyada dhinacyada badan ee kaga imanaya Jayna. Sidaas aawadeed, Taywaan waa mid u dhaga nogul cidkasta oo ay ka helayso iskaashi. Deeqsinomo badana way yeelanaysaa si ay danaheeda u gaadho. Taywaan waxay ku fadhidaa hanti farabadan taas oo ay u baahantahay inay ku maalgaliso meelo badan, gaar ahaan Qaarada Afrika oo Jayna u gacan gugashay, waxaanay isku dayaysaa meel ay cagta ka saarto Qaarada Afrika.
Maraykan, oo ka hortagaya in Jayniisku caga dhigto Soomaalida dhulkeeda, oo isna dabada ka riixaya in ay Taywaan timaado Soomaaliland kana dhigto gogol xaadh imaatinkiisa. Taywaan waxay waayo-wadaag yihiin Soomaaliland waxay labadooduba rabaan aqoonsi iyo madaxbanaani ay ka helaan bulshada caalamka
Haddii aynu xoojino xidhiidhka Taiwan si dhabahan uga faa’iidaysano aqoontooda, farsamadooda iyo dhaqaalahooda waxa suurtogal ah inay Soomaaliland la mid noqoto Shabeelada Aasiay (Hong Kong, Singapore, Konfur Kuuriya iyo Taywan) inkastooy taasi riyo u eegtahay, lana hubin in Taywan sii jirikarto duruufaha jira aawadeed. Taywaan waxa ay wax inagala qabankartaa waxbarashada, beeraha, caafimaadka, warshadaha iyo soosaarka khayraadka dabiiciga ah. Waxtarkastoo ay Taywaan qabtana wuxuu ku xidhnaanayaa dhiilka aynu u culano. Laba miduunbuuna noqon, kaalmo ama horumarin, hadii kaalmo noqoto awalba luflufka meelokale waa laga helijiray, haddayse aynu maalgalin iyo barnaamijyo horumarineed ka helno, musuqana laga ilaaliyo la arkee in Soomaaliland noqota Shabeelada Afrika.
Haddii taasi tahay waxtarka faraabadan ee ay Taywan xidhiidhkeedu leeyahay, maxay waxyeelo inoo keeni karaa xidhiidhkeedu. Sidaynu kor ku xusnay waxa socda dagaal qabaw oo meelo badan laga arki karo. Dagaaladaas meelaha laga dheehankaro waxa kamida dagaalka ganacsi ee Maraykan, dagaalka Yukrayn, Hindiya & Baakistaan, Bad-boobka China, dagaalka Bariga Dhexe. Inkastoo dagaalada qaar ku bilaabmeen ujeedooyinkale, haddana waxa muuqata inay badiba isurogayaan dagaal qabow lagana yaabo inuu noqdo mid-keena dagaalkii 3aad.
Waxyeelada ugubadani waxay inagaga imanaysaa waa Jayna. Jayna haddii ay go’aansato, waxyeelo badan ayay u gaysankartaa Soomaaliland, dhibta uguyar waa iyada oo hurisa colaadaha gobalada bari kasocota. In Soomaali dagaal laga dhexshidaa shisheeye uma baahna, Soomaalidu dilka iyo dagaalka dhexdeeda way u darbantahay, sidaas aawadeed in dhexdeena colaado laga huriyo way fududahay. Dagaal iyo horumarna meel ma wada galaan. Hadday faragalintaasi guulaysatona, hankii iyo rabitaankii aqoonsi raadisku waa dhicisoobidoona, dagaaladaasi waxay baabiindoonaan dhamaan kaabayaasha nolosha. Reer Soomaaliland waa kawada dharagsanyihiin dhibta Soomaaliland kasoo gaadhay dagaaladii Bariga Sool. Jayna waxa ay culays saarikartaa wadamada dariska sida Itoobiya, Jabuuti, iyo Soomaaliya, sidoo kale kuwa aynaan dariska ahayn in ay go’odoomiyaan Soomaaliland dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waxa jabhado kale laga furikaraa goobo daganaa iyadoo lacago lasiinayo dadka deeganaadas amaba la keeni karo calooshooda u shaqaystayaal gudo iyo dibedba.
Waxa lagayaabaa, in dadbadani aaminaan in Soomaaliland garab ka heli karto Reer Galbeedka, taasi aadbay xaqiiqda uga fogtahay. Taageerada Reer Galbeed gaar ahaan Maraykanku isku halaynbadan ma leh, waxaynu tan ka dheehankartaa taariikhda. Waxaynu la wada soconaa sida Yukrayn inta dagaal lagaliyay haddana lagu amrayo inay Ruushka isku dhiibto, waxa la saadaalinayaa in Israa’iil sidoo kale Maraykanku faraha ka qaado oo ukala baxo iyaga iyo dadka gobalka la degan, inkastoo laga yaabo inay muddo qaadato. Sidaas si lamida, waxa la saadaalinayaa haddii Jayna go’aansado inuu qabsado Taywan, in kama danbaysta Maraykanku faraha kala baxo, sidii Hong Kong Ingiriisku u wareejiyay. Soomaaliland-na marnba kama qiimo badnaankarto Taywaan iyo Yukrayn. Sidoo kale dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaalida iyo Xabashida si loo xoreeyo Soomaali Galbeed, waxayu ugayn in Soofiyeetku go’aansaday inuu jabiyo ciidamadii Soomaalida taas oo Reer Galbeed aanay waxba u qaban Soomaaliya, taasina aakhirkii noqotay utuntii ama doogtii qaranimadii Soomaaliyeed godka ku riday. Markaas, waa in aan la filan gacan Reer Galbeed hadii culays inagaga yimaado Jayna.
Soomaaliland hadda waxa hoggaaminaya madaxwayne Craxmaan Cirro iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cali labaduba waa diblomaasiyiin waayo aragnimo u leh siyaasada arimaha dibada gaar ahaan tii dagaalkii qaboobaa ee Bariga iyo Galbeedka. Xukuumadii hore, xidhiidhka Taywan waxay u samaysay si ay Soomaaliland wax ugu soo kordhiyaan, waxa se muuqata inaan la lafagurin waxyeelada ke iman karta. Haddaba, si xeego, xeego u noqoto ilkana u nabadgalaan, waa in xukuumada cusubi dibu eegis iyo falanqayn qotodheer ku samayso sii socoshada xidhiidhka Taywaan, iyadoon la daandaansanayn Jayna.
Inkastoo ay adagtahay helida halbeega saxda ah ee laysagu miisaamikaro xidhiidh Taywan iyo China sababtuna tahay Soomaaliland oo candho-dhexe taagan, haddana waxa jira waxyaabo kaalmaati noqonkara haddii culayskaasi bilaabmo. Waxa kamida, xoojinta midnimida gudaha si looyareeyo waxyeelada faragalinta shisheeye. Xoojinta xidhiidhwanaagsan oo lalayeesho saddexda wadan ee xadka la leh Soomaaliland, gaar ahaan ismaamulgobleedka Soomaaliyeed ee Puntland, si looga hortago in dagaalo laga huriyo xuduudka. Helitaanka wadamada dhexdhexaadka ah dunida, kuwaas oo aan Bari iyo Galbeed midna u janjeedhin. Ka fogaanshaha wadamo qayb ka ah xasaradaha dunida kasocda gaar ahaan Bariga-dhexe. In aqoonsi raadisku aanu inalagalin af-bahal oo laga fiirsado meeshaynu ka raadinayno. In xooga la saaro ku qancinta ummada Soomaaliyeed meelkastoy dagto in aqoonsiga Soomaaliland dani ugu jirto qoomiyada Soomaaliyeed, si loo helo aqoonsi dhamaystiran sidii South Sudan kana duwan kii Kosofo iyo Qubrusta Waqooyi. Ugu danbayn, in Jayna toos loola xidhiidho, si loo ogaado xariiqooda cas marka xidhiidh lala yeelanayo Taywan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!