"Rinjiga lagu Buufiyay Dayrka Madaxtooyada JSL uma Eka Calanka xisbiga WADDANI"
Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Somaliland, Mudane Muniir Axmed Cigaal, ayaa sheegay in Rinjiga lagu buufiyay dayrka aqalka Madaxtooyadu uu yahay mid nashqadiisa ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha dhismaha ee dalka ka hawlgala, waxaanu caddeeyay in aanu ahayn midabka calanka xisbiga talada dalka haya ee Waddani.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xuska maalinta Qarannimada ee maalmaha koobani ka hadheen loo sii qurxiyey xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland, si bulshadu ugu dabaaldegto meel wacan.
Agaasimaha Madaxtooyada oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu "Rinjigani calankii Waddani maaha ee waa kaas ka duwan, waa midabkaasi caddaanka iyo huruudda ah.
Bulshada Somaliland ee wada jirka iyo horumarka jecel waxaanu leenahay waa madaxtooyadii oo aanu idiinku sii qurxiney munaasibada xuska maalinta Qarannimada ee 18-ka May, dabaaldeg ayaa inoo mihiim ah, Somaliland oo mid ahba inoo mihiim ah”