Wadaniyadda: Furaha Horumarka iyo Isku Duubnida Ummadda

0
Wednesday May 14, 2025 - 12:07:12 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadaniyadda: Furaha Horumarka iyo Isku Duubnida Ummadda

    Markii Somaliland ay dib ula soo noqotay xoriyaddeeda 1991kii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii Somaliland ay dib ula soo noqotay xoriyaddeeda 1991kii



Waddaniyaddu waa tiirka ugu adag ee ummad waliba ay ku dhisato qiyamka, dhaqanka, iyo horumarka dalkeeda. Waa dareen qoto dheer oo ku salaysan jacayl, daacadnimo, iyo xilkasnimo loo qabo dalka hooyo, kaas oo kicisa damiirka muwaadiniinta si ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta bulshadooda iyo qarankooda.

 

Markii Somaliland ay dib ula soo noqotay xoriyaddeeda 1991kii, waxay cagta saartay dhismaha dawladnimo iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, taasoo aas-aas u ah horumarka ummadda. Hase yeeshee, waxaa laga tagay muhiimadda dhisidda jiil fahmaya qiimaha ay leedahay waddaniyaddu iyo doorka ay ku leedahay mustaqbalka dalka. Manhajka waxbarashada Somaliland waa inuu xoogga saaraa sidii jiilka soo koraya loogu barbaarin lahaa waddaniyad dhab ah. Taasi waxay ka dhigan tahay in carruurta lagu abuuro fahamka waddaniyadda laga soo bilaabo dugsiga hoose, iyadoo la barayo taariikhda dalkooda, halganka ay soo mareen, iyo qiimaha ay leedahay in la difaaco jiritaanka qarannimo. Waxbarashadu waa in ay noqotaa mid ku salaysan qiyamka wanaagsan ee bulshada iyo ilaalinta dhaqanka, si jiil walba uu u noqdo mid dalkiisa jecel oo u diyaar ah inuu ka qeyb qaato horumarkiisa.

 

Jiilka maanta koraya waxa ay taariikhda adduunka iyo kuwa kale u muujinayaan in ay yihiin jiil taariikhdooda iyo dhaqankooda meel adag ka taagan, taas oo iftiiminaysa in ay yihiin kuwo u taagan difaaca dalkooda iyo horumarka bulshadooda.

 

18-ka May, oo ah maalinta qaranimada Somaliland, waa maalin taariikhi ah oo u taagan halgankii xornimada iyo adkaynta qiyamka waddaniyadeed. Sannad walba, maalintan waxa laga dareemaa dalka oo dhan astaamo leh waddaniyadda iyo dal-jacaylka, iyada oo ay muuqdaan da’yar iyo carruur hal-abuur waddaniyadeed leh, taas oo marag u ah in jiilka cusub uu qaatay dareenka qaranimo.

 

Wadaniyad wanaagsan waxay leedahay astaamo muhiim ah, kuwaas oo ah tiirarka lagu dhiso bulsho isku duuban oo horumarsan:

 

* Jacayl dhab ah oo loo qabo dalka: Wadaniyaddu waa dareen qoto dheer oo ku salaysan qadarin iyo jacayl loo qabo dhulka, dadka, dhaqanka, iyo taariikhda dalka.

 

* Mas’uuliyad iyo xilkasnimo: Wadaniyaddu waa in ay ku salaysnaato dareen mas’uuliyad ah oo qof walba ku hoggaamiya inuu dalkiisa ku difaaco af iyo adinba.

 

* Ixtiraamka qiyamka wanaagsan: Wadaniyaddu waa in ay ku dhisnaataa qadarin qiyamka sida caddaaladda, sinaanta, xuquuqda aadanaha, iyo ku dhaqanka sharciga.

 

* Ka qayb qaadashada horumarka bulshada: Muwaadin wanaagsan waa mid si firfircoon uga qeyb qaata horumarinta dalkiisa, iyada oo loo marayo shaqo mutadawacnimo, ilaalinta deegaanka, iyo u doodista horumarka bulshada.

 

* Dhaleeceynta wax dhisaysa: Wadaniyaddu waa in loo diyaar-garooba dhegaysiga dhaleeceynta wax dhisaysa si wax loo saxo.

 

* Midnimo iyo isku duubni: Wadaniyaddu waa in ay dhiirigelisaa midnimo iyo wadajir, iyadoo la ixtiraamayo kala duwanaanta dhaqanka, afka, iyo qowmiyadaha ee bulshada.

 

Gabagabo.

 

Wadaniyaddu waa laf-dhabarta qaranka. Waa qiyam dhaqan-dhaqaale oo salka ku haya isku duubni, isku kalsooni, iyo mas’uuliyad. Haddii aynu dooneyno in aynu gaadhno himilooyinka qarankeenna, waa in aynu jiilka cusub ku barbaarino dareenka waddaniyadda si qoto dheer oo waaqici ah. Taasi waa dariiqa kaliya ee aynu ku gaadhi karno horumar waara, bulsho isku xidhan, iyo mustaqbal ifaya. Waa inaan xusuusannaa in waddaniyaddu aanay ku koobnayn ereyo la yidhaahdo, balse ay tahay ficil joogto ah oo aynu maalin kasta ku muujino jacaylka aynu u qabno dalkeenna. Haddii aynu ku barbaarino carruurteena waddaniyad dhab ah, waxaa hubanti ah in Somaliland ay sii ahaan doonto dal xor ah, horumar leh, oo sharaf ku leh caalamka. Waa in aynu jiilasha dambe u dhisno mustaqbal ifaya oo ku salaysan qaranimo, wadajir, iyo ixtiraam.

 



Qore: Daahir Cabdi Ciise

(Camey)

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...