Boqor Buurmadow Oo Fariin U Diray Madaxweyne Muuse, Xisbiyada Iyo Beesha Kornayl Caare

0
Friday July 26, 2019 - 11:49:07 in News by
  • Visits: 8020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Buurmadow Oo Fariin U Diray Madaxweyne Muuse, Xisbiyada Iyo Beesha Kornayl Caare

    Boqor Buurmadow Oo Fariin U Diray Madaxweyne Muuse, Xisbiyada Iyo Beesha Kornayl Caare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Buurmadow Oo Fariin U Diray Madaxweyne Muuse, Xisbiyada Iyo Beesha Kornayl Caare


Hargeysa(HWN):-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah madax dhaqameedka somaliland ayaa fariin u diray madaxweynaha somaliland, xisbiyada, xukuumada iyo beesha jabhada Kornayl Caare.


Boqor Buurmadow oo dalka ku soo laabtay ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta waxa u sheegay in dalku u baahan yahay dhawris fara badan isaga oo talooyina u diray dhinacyada kala duwan ee siyaasada.




Boqor Buurmadow oo ka hadlaya xaalada dalka ayaa waxa uu yidhi "Dalku xaalada uu marayo hadal badan uma baahna, dalku wuxuu u baahan yahay dhawris iyo xanaano fara badan, xukuumada iyo xisbiyada waxaan u soo jeedinayaa laba arin oo taagan oo midi doorashadii caalamku inagu tix galinayey ahayd, inta qudha ee aynu naruuro lahayn ama caalamku inoogu soo joogsanayey waa doorasho, haday inoo dhici waydana waxaynu noqonaynaa dad caalamkuna indhaha kala noqdo.”


Boqor Buurmadow oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Arinka kale ee hada taagan ee buurta ee la leeyahay waa lays horfadhiyaa labadaba tanaasul iyo nabad galyo ayaan xukuumada iyo dadka ehelka ah ee aanu walaalaha nahay ugu baaqayaa.”


Sidoo kale Boqor Buurmadow ayaa fariin u diray madaxweyne Muuse Biixi waxaanu yidhi "Madaxweynaha iyo xukuumada waxaan leeyahay arimaha taagan oo dhan mid dhibaato ah ha noqoto ama cid mucaarid ku ah dawlada ha noqotee ama arin siyaasadeed oo doorasho ah ha noqotee inay dhimriso oo dajiso ayaan kula talinayaa.”


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...