Arin Fool Xun Oo Ka Weyn Ayaa Iman Doonta Hadaan Imika La Joojin Waxan La Wado…W/Q Yuusuf Aadan Tarabi

0
Friday July 26, 2019 - 11:08:11 in Articles by
  • Visits: 1963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arin Fool Xun Oo Ka Weyn Ayaa Iman Doonta Hadaan Imika La Joojin Waxan La Wado…W/Q Yuusuf Aadan Tarabi

    Arin Fool Xun Oo Ka Weyn Ayaa Iman Doonta Hadaan Imika La Joojin Waxan La Wado…W/Q Yuusuf Aadan Tarabi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arin Fool Xun Oo Ka Weyn Ayaa Iman Doonta Hadaan Imika La Joojin Waxan La Wado…W/Q Yuusuf Aadan Tarabi


Arrin foolxun oo ka weyn baa Iman doonta haddaan imika waxan la wado la joojin. Waxa ay saamayn doontaa dad masaakiin ah oo aan waxba ka ogayn oo foolxumo ka la kulmi doona. Waxa ay keenaysaa gunnimo iyo gobood fal dabbaajiirta iyo kuwa liita shaqo ka dhigan doonnaan bulsho dhanna wax yeelo ku noqonaysa. Dhibaatadu af la qabto uun bay leedahay ee dabo la qabto ma le. Waar haddaan maanta waxa laga hor tagin wax-yeelladeedu qof qof baa ay dadka u saamayn doontaa.



 

Xalay waxa gurigiisa lagu weerraray Maxamed Axmed Bakaal "Cirro". Waxa uu sheegay in la isir beegsanyey oo hayb qabiil lagu xummaynayo Wuxuu yidhi,"Waar Abtiyaal abti baad ii tihiin ee iga xishooda". Cirro waa wiil reer Somaliland ah sida uu sheegayna abti loo yahay. Waxa sidaa samaynayaan waa dabaajir iyo dad xun oo qaranka weerar ku ah. Nimanka waxa samaynayaa waxa ay doonayaan soomaaha in dadka Jigjiga iyo meelaha ka le ku nool marka ay maqlaan in Cirro gurigiisi lagu weeraray ay yanna kuwooda dhaqanka xun ay sidaa sameeyaan oo dadka reer Somalilanad la wax yeeleeyo. Waa farriin dadka Xaggjirka ah ee cunsuriyada fog is ku af gartaan kuwaas oo meel walaba ka la jooga.



 

Waar inagga oo kuwa dibadda jooga is ka eegayna maaha in darreenkeenu qaban waayo kuwo naxliga iyo cunsuriyada lafo jabiska ee qaranka gunimada iyo foolxumada u soo jiidaysa arki weyno oo ka dhiidhiye weyno. Cawaalow Hargeysa ma Iman kartid yagoo kuwaas uga faaideysanaya Calanka iyo qadiyadda reer Somaliland oo dhufays ka dhiganya waxa aan jirin baa ay dano ay leeyihiin awgeed Calanka ugu xidhanyaan.


Cawaale soo isnna Jabuuti ka bilaabi maayo oo shicibkiisu taageeri maayaan. Waar aynnu runta i su sheegno oo qaranka inaggo ku gabanayna gunnimo yeynaan u soo jiidin. Waar dhaqanka islaamka iyo keenaba aynnu ilaashano.


 

Somaliland haddii dad iyo koox danno gaar ah Lehi ay qaranka ka dhigtaan in ay wax ku gabood fallaan yagoo adeegsanaya in ay ilaalinayaan qarnimadda iyo qadiyada oo yagoo cadow ah ay leeyihiin cadow baa aanu ka ilaashanayna. Waa xaggjirnimo. cid kast oo hab kooxeed, hab qabiil iyo hab dano gaar ah isku kooxaysataa waa xaggjir iyo cunsurinimo. Somaliland quruxdeeda yaan ka la dhantaalin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...