Hindiya iyo Pakistan oo isku eedeeyay jebinta xabbad-joojinta

0
Sunday May 11, 2025 - 14:27:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hindiya iyo Pakistan oo isku eedeeyay jebinta xabbad-joojinta

    Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir



Hindiya iyo Pakistan ayaa midba midka kale ku eedeeyay "xadgudub" saacado ka dib markii labada waddan ay sheegeen inay ku heshiiyeen xabbad-joojin ka dib maalmo ay socdeen weerarro millatari oo xudduudaha ka gudbaya.

 

Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya Vikram Misri ayaa sheegay inay jireen "xadgudubyo soo noqnoqday oo ku saabsan fahamkii aan gaarnay".

 

Wax yar ka dib, wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay "ay ka go’an tahay dhaqangelinta daacadda ah ee xabbad-joojinta...inkastoo ay jiraan xad-gudubyada ay Hindiya ka geysanayso meelaha qaarkood”.

 

Dagaalka u dhaxeeyay Hindiya iyo Pakistan afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ahaa iska horimaadkii ugu xumaa ee militari oo dhexmara labada dhinac ee iska soo horjeeda muddo tobanaan sano ah.


Loading...
Loading...