Dowladda Mareykanka Oo Diiday Qaraar ka dhan ah Somalia Oo Loo gudbiyay QM
Dowladda Mareykanka ayaa diiday in 15-ka bishan Maay ay taageerto qaraar la horgeynayo Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu dalbanayo in dhaqaalaha ku baxaya ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika la hoosgeeyo sanduuqa Qaramada Midoobay, halkii ay ay ku yaboohi lahaayeen dalalka reer galbeedka.
Washington waxay cuskatay saddex qoddob oo kala ah:
1- In dhaqaalaha laga bixiyo sanduuqa QM ay u siman yihiin dhammaan ciidamada dalalka caalamka oo dalalka kamid noqonayo ciidammada nabad ilaalinta loo tartamo, taas oo meesha ka saareyso inay noqdaan ciidan u gaar ah dalalka Afrika, Midowga Afrikana aysan dooneyn arrintaasi.
2- In haddii dhaqaalaha laga bixiyo sanduuqa QM, ay horseedeyso in dowlado kale oo dalalkooda ay ka tagaan yihiin xasarado ay soo dalbadaan, ayna noqoto waddo furantay.
3- In lacagta laga bixiyo sanduuqa QM uu magdhawga askariga dhinta ama dhaawacma uu saddex jibaar ka badan yahay midka ay hadda bixiyaan Midowga Afrika, Mareykankuna ay arrintaas u arkaan culeys dhaqaale.
▪︎Midowga Yuruub ayaa ilaa iyo hadda ballan qaaday in ay bixinayaan 60 milyan oo kamid ah 120-kamilyan ee doollar ee loo baahan yahay, waxaana jirta soo jeedin ah in dalka Qatar lagu qabto shirweyne, kaas oo dhaqaale loogu raadinayo ciidanka AUSSOM ee Soomaaliya, afarta sano ee soo socota.
Su’aashu haddaba waxay tahay, labaatan sano kadib, haddii ciidamo shisheeye aysan weli wax natiijo ah ka keenin dagaalka, maxay tahay sababta weli loogu baahan yahay?
Xigasho: Bashiir Caato