DEG DEG Mooshin Ka Dhan ah Wada-hadallada Soomaaliya oo La Horkeenay Golaha Wakiillada

0
Saturday May 10, 2025 - 22:41:57 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Mooshin Ka Dhan ah Wada-hadallada Soomaaliya oo La Horkeenay Golaha Wakiillada

    Wararka la helayo ayaa sheegaya in mooshinkan uu wajihi doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka la helayo ayaa sheegaya in mooshinkan uu wajihi doono


Hargeysa – Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta la horgeeyay mooshin rasmi ah oo lagu xaarantinimaynayo wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Mooshinkan ayaa waxaa si wadajir ah u saxeexay tiro ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ah ee Golaha.


Wararka la helayo ayaa sheegaya in mooshinkan uu wajihi doono caqabado siyaasadeed, maadaama shirguddoonka Golaha Wakiilladu uu u janjeedho dhanka xukuumadda, sidoo kalena inta badan mudanayaasha Golaha ay yihiin xildhibaano muxaafid ah oo taageera dowladda. Sidaas awgeed, waxaa la filayaa in xukuumaddu ay culays siyaasadeed ku saarto shirguddoonka si aan mooshinku uga midho dhalin.

Haddaba, isha ayaa haatan lagu hayaa maalinta berri iyo sida ay xaaladdu u noqon doonto, iyadoo la eegayo in Golaha Wakiilladu ay gudan doonaan doorkooda dastuuriga ah iyo haddii xukuumaddu ku guulaysan doonto in ay ka hortagto mooshinka.
Loading...
Loading...