Labada boqor ee Xayawaanada aan ugu jeclahay.

0
Saturday May 10, 2025 - 14:56:03 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labada boqor ee Xayawaanada aan ugu jeclahay.

    Boqorka Duurjoogta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqorka Duurjoogta

Waa laga orod badan yahay, oo waxaa ka orod badan haramcadka.
Waa laga xoog badan yahay, oo waxaa ka xoog badan maroodiga, jeerta, iyo wiyisha.
Waa laga leeyn badan yahay, oo weerka (dhidirka) ayaa jooga oo hal tiro oo ari ah hal saac kusoo afjaraya.
Haddana waa boqorka duurjoogta.
Sifada kaliyah oo uu guushaas ku helay waa laba arrimood oo keliya:
1. Dhammaan xayawaannada kale, ee aan asaga ahaayn oow maroodiga ugu weyn yahay, libaaxa ayaa ugaarsada. Ayaga dhan waa wada ugaarsadaa.
2. Tan labaad, Libaax maskaxdiisa waxaa ku baroo‐garaamsan inuu wax dilo oo keliyah. In asaga la ugaarsanayo ma aamino. Wax walba waa isku dayaa.
Soomaalidana ninka ragga oo geesiga ah waxay ku amaanaan: "Kaasi waa libaax libaax dhalay, war wuu libaaxsanaa.”
Imaamu Shaafici (Raxmatullahi calayh) ayaa laga hayaa isagoo qolo dood badan isaga aamusay, aamusnaanta shiiqa ayeey ka yaabeen waxay dhaheen:
"War ninyahow, waad iskala kaaya weyn tahay, maad nala doodid—maxaad mar walba nooga aamusgaa?"
Markaas ayuu yiri:
"War miyeeydnaan arag libaaxyada in laga baqo ayagoo aamusan oo shib ah, halka eeyaha ciyaalku tuuryeeyaan ayagoo qaylinaya oo cid ka baqeysa aysan jirin?"
قالوا سَكَتَّ وَقَد خُوصِمتَ قُلتُ لَهُم
إِنَّ الجَوابَ لِبابِ الشَرِّ مِفتاحُ
والصمَّتُ عَن جاهِلٍ أَو أَحمَقٍ شَرَفٌ
وَفيهِ أَيضاً لِصَونِ العِرضِ إِصلاحُ
أَما تَرى الأُسدَ تُخشى وَهِيَ صامِتَةٌ
وَالكَلبُ يخسى لَعَمري وَهوَ نَبّاحُ
Aniga, ka suldaan ahaan xayawaannada, libaaxa iyo gorgorka ayaan ugu jeclahay.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...