"Dariiqada Loo Maro Wada Hadalada Dhex Marka Laba Maamul Kala Go'ayaan"…W/Q Ibrahim sh. Bashir

0
Friday July 26, 2019 - 10:50:48 in Articles by
  • Visits: 1565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dariiqada Loo Maro Wada Hadalada Dhex Marka Laba Maamul Kala Go'ayaan"…W/Q Ibrahim sh. Bashir

    "Dariiqada Loo Maro Wada Hadalada Dhex Marka Laba Maamul Kala Go'ayaan"…W/Q Ibrahim sh. Bashir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dariiqada Loo Maro Wada Hadalada Dhex Marka Laba Maamul Kala Go'ayaan"…W/Q Ibrahim sh. Bashir

 


Marka Aynu Ka Hadlayno Qadiyad La Xidhiidha In Masiir Siyaasadeed Laga Gaadho In Dal Ka Mid ah Dalalka Aqoonsiga Ka Haysta Dunida Gaar ahaan Xubin Ka ah Qaramada Midoobey (UNITED NATIONS) Ama Urur Qaaradeedka Uu Ka Mid Yahay Sida "AFRICAN UNION -EUROPEAN UNION" Iyo Kuwa Kale Ee La Midka ah In Ahmiyada Koowaad La Siiyo Dhanka Xeerarka & Shuruucda Caalamiga ah Ee Ku Xusan Xeerarka U Yaala (UNITED NATION, EUROPEAN UNION, AFRICAN UNION) Waxay Ka Qabaan Sharci ahaan In Dal Kala Go,o, Isla Markaana Noqdo Laba Dawladood Ama Two States..




 

Marka La Eego Qaaradaha Ugu Waaweyn Aduunka Sida AFRICA, ASIA, EUROB, Mid Walba Waxa Ka Jira Mushkilada Furfur Ku Yimaada Dawlado Ka Mida Sida


-Qaarada Aasiya Taiwan Oo Rabta In China Ka Go,do.

-Qaarada Afrika Somaliland Oo Rabta Inay Somalia Ka Go,do.

-Qaarada yurub Catalonia Oo Rabta Inay spain ka Go,do.

 

Tirada Guud Ee Dalalka Aduunka Isla markaana Haysta Aqoonsi Buuxa Ayaa Dhanoo (195) Dawladood Haddii Dalka Taiwan Lagu Darona Noqonaya (196) Dawladood, Hase Yeeshee Dalka Taiwan Waxa Caqabad Ku ah Dalka Shiinaha Oo Ah Dal Ka Mida (5) Dal Ee Joogtada Ka ah Golaha Amaanka Lehna Awooda Diidmada Qayaxan Ee (VITO POWER) Kaas Oo Aan Dawlad Madax Banaan U Aqoonsaneyn Taiwan..

Halka Tirada Dalalka Ama Gobalada Aduunka Ka Jira Ee Raba Inay Ka Go,aan Dalka Haatan Ay Ka Mid Yihiin Ayaa Dhan (22) Dal Oo Midina Aqoonsi Ka Haysan Dal Kale..

 

Mudadii Aan Baadhistan Waday Waxaan Si Gaara Diirada U Saaray Dalalka Ka Go,ay Dal weyne ay ka Mid ahaayeen 30 kii Sano Ee U Danbeeyey:-

1.MIDOWGII SOOFIYATI Oo (15) Dal ka Go,een (1990-1995)

2.ERETARIA & ETHIOPIA 1993..

3.EAST TIMOR & INDONISIA 2002.

4.SOUTH SUDAN & SUDAN 2010.

 

Baadhistayda Ka Dib Waxa ii Soo Baxay In Wada Hadal Toos ah Oo Dhex Mara Labada State Ee Kala Baxaaya Ay Tahay Tallaabada Koowaad.

Jidka Wada Hadalka Oo Aan La Qaadina Aanay Suurto Gal Ahayn In Wax Natiijo ah Laga Gaadho Midnimo iyo Wada Jir Guul Iyo Qarsnimo Hana Qaada, Iyo In Dhinaca Go,itaanka Raba Aanu Xaqiijin Karin Doonistooda Gooni Isu Taag iyo In Ay Noqdaan Dal Madax Banaan.

 

Sida Shuruucda Aduunku Dhigayaan Aqoonsiga Caalamiga ah Ee Dawladi Ka Hesho Aduunka Wuxuu Leeyahay (3) Darajo Ama Stage Oo Kale Ah:-

(1).Darajada Koowaad (Stage One)

In Labada State Ee Raba Inay Kala Go,aan Markii Hore Ahaayeen Laba Maamul/State Oo Xor Ah Ka Dibna Midoobay Ama Ugu Yaraan Ay Ahaayeen Laba Dal Oo Ka Xoroobay Laba Gumeysi Oo Kala Duwan.

Ka Dibns Midoobay Yagoo Xor ah, Isla Markaana Midowgoodu Lahaa Shuruudo Qoran Oo Goob Joog Ay Ka Ahaayeen United Nations Ka Ama Urur Goboleedka Ay Ka Tirsan Yihiin Sida Midowga Afrika Ama Midowga Yurub.

Darajadan Ama Noocani Waa Ka Ugu Fudud Ee Labadaa Dal Ku Kala Go,i karaan Ama Horseedi Kara In Midnimadoodu Sii Jirto.

Laakin Dhinaca Doonaya Inay Go,aan Waxa Kaliya Ee Fursad Siin Kara Inay Ka Noqdaan Midnimadii Helaana Dawlad Madax Banaan Waa Haddii Ay Fuli Waayaan Qodobadii Heshiiskooda Midnimo Ku Qornaa Waxaana Tusaale U ah Dalalka Masar iyo Suuriya Oo Midoobay (22.2.1958) Ka Dib Saddex Sano Dib U Kala Noqday (27.9.1961).

Darajadani Waa Ta Ugu Fudud Ee Laba Dawladood Oo Mid Noqday U Kala Go,aan Mar Kale.

(2).Darajada Labaad (Stage Two)

In Labada Maamul Markii Hore Ahaayeen Laba Dal Oo Xor Ah Ka Dibna Midoobay Ama Ay Ahaayeen Laba Dal Oo Ka Xoroobay Laba Gumeysi Oo Kala Duwan. Laakin Midowgoodii Aan Kala Qoran Wax Heshiis ah Sida Midowgii Dhex Maray Soomaaliyadii Waqooyi Oo (26.June.1960) Xornimada ka Qaadatay Dalka Ingiriiska Laakin La Midowdey (1.July.1960)Soomaaliyadii koonfureed Oo Xornimadeeda Ka Qaadatay Dalka Talyaaniga. Kala Bixida Ama Kala Go,ista Noocan Aan Heshiis La Kala Qoran Wuxuu Iman Kara Oo Kaliya In Wada Hadal & Is Afgarad Dhex mara Labada State Ee Kala Go,aya Kaas Oo Dhinaca Go,aya Dawladnimo ku Heli karo Dhinac Kale Oo Ogolaada, Ama Ugu Yaraan Aqbal In Afti Shacab Laga Qaado Dhinaca Go,itaanka Raba.

Waanan Qaabkii Ay Ku Kala Baxeen Dalalka (Itoobiya & Eretaria Sanadkii (1993) Iyo Tii Sudan & South Sudan Sanadkii (2010).

(3).Darajada Saddexaad (Stage Three)

In Marka Laba Dal Ee Kala Go,aya Asalkaba Isku Ahaayeen Dawlad Kaliya (One State) Laakin Dhinaca Go,aya Tirsanaayo Dulmi Siyaasadeed, Dhaqaale, Hormar & Takoor Dhanka Diinta iyo Cirqiga ah Waxaana Tusaale U ah (East Timor) Oo Indonisia Ka Go,day (May 2002) & South Sudan oo Sudan ka Go,day (2010).

Noocana Wuxuu ku Yimaada Dalka Laga Go,aayo Oo Aqbala Sida East Timo, Ama Aqbala In Afti Dadkaa Laga Qaado Sidii South Sudan.

 

Haddaba Markaan Eegay Xaalada Aqoonsi Raadis Ee Somaliland Oo 29 Sano Jirsatay Waxa ii Soo Baxay Saddex Arimood Oo Muhiim ah In Somaliland Yaqiinsato:-

1. Somaliland Waxay Haysata Fursad Ka Badan 80% Una Saamixi Karta Inay Hesho Aqoonsi Caalamiya

2. Laakin Somaliland Wadada Ay U Marto Aqoonsigu Ay Tahay Mid Khalada Taas Oo Fursadii Ahayd 80%Ka Dhigta Wax Ka Yar 10%.

Sababtuna Waa Somaliland Oo Si Haboon Oo Ku Dhisan Aqoon Iyo Sharci Baadhis U Darsin Doodeeda.

 

Haddaba Si Dood

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...