Cajaa'iibka Baxsadka Maxbuuska Ee Jeelka!

0
Thursday May 08, 2025 - 13:42:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cajaa'iibka Baxsadka Maxbuuska Ee Jeelka!

    Sida lagu daabacay wargeyska "Repubblica daily"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida lagu daabacay wargeyska "Repubblica daily"



Laba maxbuus ayaa ka baxsaday jeel ku yaalla magaalada Roma ee dalka Talyaniga laguna magacaabo Rebibbia. Labadan oo maxbuus oo ilmaadeer ah ayaa warqad si xushmad leh ay u qoreen uga tegay ilaalada jeelka.

 

Sida lagu daabacay wargeyska "Repubblica daily” labada maxbuus ayaa warqadooda waxay qoreen ka hor inta aanay baxsan iyagoo ku cadeeyay sababta ku keliftay baxsiga inay tahay si ay usoo dhameeyaan mushkulad qoys oo haysata. Waxaana ay u qorayd sidan:” Waxaana u baxsanay baahida aan u qabno inaan caruurtayada iyo qoyskayaga, ka ilaalino xumaanta ay naftooda geliyeen”.

 

 

Labada maxbuus ee lagu kala magacaabo Mr.Lil Ahmetovic iyo Davad Zukanovic, oo 40 jir iyo 46 jir ah ayaa warqad ku soo xidhay:” Ha u qaadanina in aanu baxsanay, markaan mushkulada qoyskayaga haysta dhamayno, waanu soo noqonaynaa.Waxaana aanu maqnaan doonaa muddoo 15 casho ah”.

 

Labadan ayaa ku xukunaa inay jeelka ku jiraan ilaa sanadka 2029, iyagoo lagu helay denbiyo khiyaamo iyo tuugo ah. Waxaana ay u adeegsadeen baxsadka qasabadaha biyaha oo ay gidaarka kaga dheceen.


Loading...
Loading...