Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Seed? Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar.

0
Wednesday March 13, 2019 - 11:31:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sifooyinka Siyaasiga iyo Saameynta Siyaadda Wasiir Seed? Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar.

    Waan idiin salaamay dhamaan Akhristayaasha sharafta badan maanta waxaan dul istaagi doonaa Sifooyinka Siyaasiga iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan idiin salaamay dhamaan Akhristayaasha sharafta badan maanta waxaan dul istaagi doonaa Sifooyinka Siyaasiga iyo

Saameynta Siyaasadda Wasiir Ahmed Moumin Seed kaas oo ah masuul ku fashilmay dhamaan shaqooyinkii qaranka ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u igmadey.

Maxay tahay sifooyinka wanaagsan ee uu leeyahay hogaamiyaha ama siyaasiga dhabta ahi?

Waxaan iftiimineynaa sifooyinka wanagsan ee uu leeyahay shaqsiga siyaasiga ahi

1-Waa in uu yahay nin dad iyo dal mideyn kara isaga oo u maraya wadada ugu saxsan ee uu ku gaadhi karo hanka iyo himalada siyaasada dalka.

2-In uu yahay shaqsi ka madax banaan ama xor ka ah qaraabo kiil, cunfi iyo qabyaalad intaba.

3-In uu yahay shaqsi leh karti iyo awood uu ku hago qaran JSL isaga ku haya siyaad hufan.

4-Dib u dhiska iyo heshiisiinta qaranka JSL dhamaan inta gobol iyo inta dagmo ee dalku ka kooban yahay.

5-Cadaalad iyo sinaan uu ku hago kuna ilaaliyo xuquuqda dadka uu ka soo jeedo iyo dhamaan qaran JSL.

Hadaba wax ka baro sifooyinka iyo Siyaasada Wasiir Seed?

1-Wasiir Seed waa nin dagan balse caadifad iyo cuqdad gaamurtey leh.

2-Waa shakhsi ku wanagsan xaga diinta islaamka, sidoo kale afgaaban.

3-Seed waa siyaasi aan kalsooni u lahayn hanka iyo himilada siyaasada dalka.

4-Wasiir Seed wuxuu ku fashilmey xisbigii Waddani isaga oo dharar cad lagaga xoogbatey ka dib ka cararey maalinkaas wixii ka dambeeyey sumcadii iyo karamaadii u bulshada ku lahaa hoos u dhac ayaa ku yimid.

5-Waa nin aan ka xor ahayn shaqsi dan gaar ah leh iyo qabiil hoose oo uu gacanta u galiyey xuquqdii iyo xaqii Beelaha Habar Cafaan.

6-Wasiir Seed waa wasiirka ugu tamarta iyo taagta yar dhamaan golaha Wasiirada xukuumada Muuse Biixi Cabdi.

7-Waa shakhsiga ama Wasiirka ugu eexda iyo qabyaalada badan intii ay Habar Cafaan wasiir soo noqdey isaga oo hayb gaar ah u xagliya oo aan tixgalin qayb ka mid Beelaha Habar Cafaan.

8-Waxaa ku fog uuna ku sifoobey Cunfi, Qabyaalad iyo kala qeybin uu ku hayo Beelaha Habar Cafaan.

9-Waa wasiirka ugu Taariikhda xun marka loo eego Shakhsiyaadkii isaga ka horeeyey ee soo qabtey jagada wasiirnimo ee Beelaha Habar Cafaan.

10- Wasiir Seed waa shakhsi aan aqoon ama tixgalin qofka wax u tarey iyo ka waxyeeleeyey wakhtigii uu ku fashilmey musharaxa Xisbiga Waddani.

Waxaan dhamaan ku soo xusney qeyb ka mid ah sifooyinka iyo siyaasada Wasiir Ahmed Moumin Seed waxaanan si taxane ah u soo gudbin doonaa Taariikhdiisa iyo saameyntiisa siyaasadeed maalinkii uu ku soo biirey siyaasada ilaa maanta wixii u hirgaley guulihii uu ka gaadhey iyo guuldaradii sidoo kale uu kula kulmey siyaasada mudada uu ku soo dhex jirey.

Qalinkii: Abdirashiid Yoonis Hagar

[email protected]

La soco qeybaha kale


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...