Shirkii madaxda maamul-goboleedyada oo mar kale dib u dhacay kadib muran ka taagan ka-qaybgalka Firdhiye.

0
Monday May 05, 2025 - 14:52:28 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii madaxda maamul-goboleedyada oo mar kale dib u dhacay kadib muran ka taagan ka-qaybgalka Firdhiye.

    Khilaafkaan ayaa sii adkeeyay qabsoomidda shirka, iyadoo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafkaan ayaa sii adkeeyay qabsoomidda shirka, iyadoo...

Muqdisho :-Shirkii lagu waday in uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee ay isugu iman lahaayeen madaxda maamul-goboleedyada ayaa mar kale dib u dhacay, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay khilaaf ka dhashay ka-qaybgalka Firdhiye, oo la doonayo inuu shirka ka qayb galo.

Qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Cabdicasis Laftagareen iyo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa si cad u diiday in Firdhiye ka mid noqdo shirka, iyagoo ku dooday in uu yahay mas’uul heer gobol ah, sidaa darteedna uusan u qalmin ka-qaybgalka shir heer qaran ah.


Khilaafkaan ayaa sii adkeeyay qabsoomidda shirka, iyadoo la filayay in looga hadlo arrimo muhiim ah sida amniga, doorashooyinka, iyo wada-shaqaynta dawladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Arrinta Sool iyo mowqifka Madaxweyne Xasan Sheekh
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu kasoo horjeedo in gobolka Sool loola dhaqmo si maamul-madax-bannaani ah.

Tallaabadan ayaa dhalisay dhaliilo qaar, iyadoo Ra’iisul Wasaare Xamse Cali Barre lagu eedeeyay in uu isku dayayo inuu kasbado kalsoonida bulshada deegaankaas, inkastoo aanu haynin talo gacanta ugu jirta.
Loading...
Loading...