Sarkaalkiil Boolis ah oo Tabobar uga Furmay Hargeysa
Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska JSL , Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa shalay si rasmi ah u furay tababar socon doona muddo afar cisho, kaas oo loogu talagalay 25 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska JSL
Tababarkan oo diiradda saaraya Public Event Security Management ama Maareynta Amniga Munaasabadaha dadweynaha, ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo xirfadaha iyo aqoonta saraakiisha si ay si hufan u maareeyaan amniga munaasabadaha waaweyn ee ay dadku isugu yimaadaan, si looga hortago khataraha suurtogalka ah.
Taliyaha ayaa saraakiisha ka qaybgaley kula dardaarmay inay weeleeyeen wixii ay ka bartaan tababarkan mudada uu socdo.
Waxaanu yidhi."Saraakiisha ka soo qayb gashey waxaan idinkula dardaarmaya inaad noqotaan kuwa qaada oo fariintan gaadhsiiya maamulkii iyo shaqadii aad Qaranka u hayseen, koorsooyinka noocan ahi aad iyo aad ayay faa’ido u leeyihiin, waxa la ina baraya waa in wixii aad xukuntay aad xakameyso, sidoo kale waa mihiim in qorshe aad yeelato”