Isbar-bardhig: Dhaqaalaha iyo Awoodda Ciidanka Taiwan iyo Soomaaliya

0
Sunday May 04, 2025 - 17:18:33 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbar-bardhig: Dhaqaalaha iyo Awoodda Ciidanka Taiwan iyo Soomaaliya

    Dhanka heerka shaqo la'aanta, Taiwan waxay leedahay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhanka heerka shaqo la'aanta, Taiwan waxay leedahay...


Isbar-bardhigga dhaqaalaha iyo awoodda ciidanka ee waddamada Taiwan iyo Soomaaliya ayaa muujinaya farqiga weyn ee u dhexeeya labada dal marka la eego kobaca dhaqaale, horumarka ciidan, iyo heerka nolosha dadka.

Taiwan ayaa kaga jirta dhaqaalaha caalamka kaalinta 22-aad, halka Soomaaliya ay ku jirto kaalinta 180-aad. Sanadka 2024, wax-soosaarka guud ee gudaha (GDP) ee Taiwan ayaa la gaadhey $850 bilyan, halka Soomaaliya uu ahaa $8.5 bilyan oo keliya.


Marka la eego awoodda ciidanka, Taiwan waxay caalamka kaga jirtaa kaalinta 23-aad, iyadoo Soomaaliya ay ku jirto kaalinta 145-aad. Waxaa xusid mudan in ciidamo badan oo ammaanka Soomaaliya ka shaqeeya ay yihiin ciidamo caalami ah oo qeyb ka ah howlgalka AUSSOM.

Dhanka heerka shaqo la’aanta, Taiwan waxay leedahay heer shaqo la’aan oo aad u hooseeya oo lagu qiyaasey 3.35%, halka Soomaaliya uu yahay mid aad u sarreeya oo gaadhaya 34.28%.

Celceliska dakhliga sannadlaha ah ee qofka reer Taiwan ayaa lagu qiyaasay $36,000, halka dakhliga sannadlaha ah ee qofka Soomaaliya ku nool uu yahay qiyaastii $470.

Dhanka kale, Taiwan ma haysato aqoonsi caalami ah, halka Somalia ay haysto aqoonsi, balse aqoonsigaasi aanu waxba ka beddelin xaaladdeeda dhabta ah.

Warbixintan ayaa si cad u muujinaysa farqiga weyn ee dhinacyada dhaqaalaha, shaqo helidda, iyo awoodda ciidan ee u dhexeeya Taiwan iyo Soomaaliya.
Loading...
Loading...