Madaxweyne Farmaajo Oo Su,aalo Waydiiyey Hay'addaha Amniga Oo Uu Shir La Yeeshay

0
Friday July 26, 2019 - 10:26:32 in News by
  • Visits: 1451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Su,aalo Waydiiyey Hay'addaha Amniga Oo Uu Shir La Yeeshay

    Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Hay'addaha Amniga Iyo Nuxurka Qodobo Uu Kala Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Deg Deg Ah La Qaatay Hay'addaha Amniga Iyo Nuxurka Qodobo Uu Kala Hadlay


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 3 people, people sitting, table and indoor

Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii.


Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab.


"Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta.


Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.


Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday.


DHAMMAAD

Loading...
Loading...