Maalinta Xisaabta... Maalinta Qoomamada

0
Tuesday April 29, 2025 - 19:38:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maalinta Xisaabta... Maalinta Qoomamada

    Waa maalin ay runta shaac bixi doonto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maalin ay runta shaac bixi doonto.




Mid ka mid ah waxyaabaha ugu murugada badan Maalintaas waa inaad aragto xasanaad (Khayr) aad si adag u kasbatay, oo aad jeclaan lahayd inaad siisid aabbahaa, hooyadaa, xaaskaaga ama carruurtaada — laakiin lagaa mamnuucay.

Ma awooddo inaad hal xasanaad siiso qofkii aad noloshaada ugu jeclayd.

Laakiin taa beddelkeeda, waxaa khasab kugu noqonaysa inaad siisid xasanaadkaaga qof aad necbayd — qof aad gef u geysatay, ka hadashay xumaantiisa, aad xaqirtay ama aad dulmiday.

Waa maalin ay runta shaac bixi doonto.

Maalintaas laguma kala tagi doono xoolo, dhalinyaranimo ama awood toona, ee waxa lagu kala tagi doonaa xasanaadka — waa maalin aysan waxba tari doinin caqli iyo dhagar toona.

Taasi waa sababta loogu magac daray:

"Maalinta Khasaaraha" — Yawm at-Taghaabun.

Dadka ha u gefin, ha dulmin, afkaaga iyo adinkaaga haka nabad galaan, Xitaa haddii ay kaa maqan yihiin.

Ilaahayow waxaan ku weydiisanay naxariistaada, Rabbiyow hana hoojin maalintaas.

Usame Qiyasle


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...