Akhlaaqda Iyo Dareenka Wanaagsan!

0
Monday April 28, 2025 - 12:24:51 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhlaaqda Iyo Dareenka Wanaagsan!

    Waxaana uu ugu jawaabay ninkii caqliga badnaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaana uu ugu jawaabay ninkii caqliga badnaa



Waxa la sheegay in nin xakiim ah ay maalin gabadhiisu ku tidhi " Maan arag reerkiina dad ka xun! Waxaana uu weydiiyay sababta? Waxay ku jawaabtay " Waxay inoo yimaadaan marka aan xoolo haysano, markaan faqiir noqono inooma yimaadaan.!

 

Waxaana uu ugu jawaabay ninkii caqliga badnaa "Taasi waa akhlaaqda wanaagsan, waayo inooma imanayaan marka aynaan waxba tarikarin, waxayna og yihiin in aynaan awood u lahayn waxtarkooda”.

 

Sidaasi ayuu qofka akhlaaqda wanaagsani dhinaca fiican wax uga arkaa. Dhaqanka ay gabadhu u aragtay xumaanta wuxu ugu muuqday odaygeeda mid wanaagsan oo naxariis leh.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...