Tirada Dad Muhaajiriin Ah Oo Ku Dhintay Dooni Ku Degtay Xeebaha Dalka Liibiya

0
Friday July 26, 2019 - 09:42:56 in News by
  • Visits: 1403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dad Muhaajiriin Ah Oo Ku Dhintay Dooni Ku Degtay Xeebaha Dalka Liibiya

    Tirada Dad Muhaajiriin Ah Oo Ku Dhintay Dooni Ku Degtay Xeebaha Dalka Liibiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada Dad Muhaajiriin Ah Oo Ku Dhintay Dooni Ku Degtay Xeebaha Dalka Liibiya



Dad gaaraya 150 qof ayaa ku qaraqmay xeebaha dalka Liibiya,sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga aduunka ee UNHCR.


 

UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in tiro kale oo dhan 150 ay soo badbaadiyeen Kaluumaysato reer Liibiya ah islamarkana ay ciidamada ilaalaha xeebaha Liibiya ay ku soo celiyeen gudaha dalkaasi.

Muhaajiriinta ayaa raaca inta badan doomo aad loo buux dhaafiyay


 

Ma cadda ilaa iyo imika in muhaajiriintan ay hal doon ama labo doon ay saarnaayeen.


 

Muhaajiriintan ayaa ka tagay magaalada al Khoms, oo 120 kiilo mitir dhanka bari kaga beegan caasimadda Tripoli.


 

Ku dhawaad 164 qof ayaa ku dhimatay afartii bilood ee sanadkan ugu horreysay wadada isku xirta Liibiya iyo Yurub ee ay muhaajiriinta adeegsadaan.


 

Qaramada Midoobay ayaa marar badan ku cel-celisay in dadka laga soo badbaadiyo badda Mediterranean-ka aan dib loogu celin Liibiya oo ay ka jiraan dagaalo iyo muhaajiriinta oo halkaasi kala kulma xaalada bina'aadanimada ka baxsan.


 

Ugu yaraan 65 muhaajiriin ah ayaa bishii May ee sanadkan dhimatay ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Tunisia.


 

16 qof oo ka badbaaday ayaa la geeyay xeebaha Tunisian Kumannaan muhaajiriin ah ayaa isku daya sanad walba in ay ka talaabaan badda Mediterranean-ka si ay Yurub u gaaraab islamarkana marinkoodu waa Liibiya.


 

Balse tan iyo bartamihii 2017 waxaa ada hoos ugu dhacay tirada muhaajiriinta.



Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...