Ducaale oo guddi madax banaan u saaray baarista Isbitaal lala xiriiriyay dad xubno lagala baxay

0
Friday April 25, 2025 - 18:42:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ducaale oo guddi madax banaan u saaray baarista Isbitaal lala xiriiriyay dad xubno lagala baxay

    Wasiirka ayaa intaa ku daray in guddigu uu haysto saddex bilood...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa intaa ku daray in guddigu uu haysto saddex bilood...



Wasiirka caafimaadka Kenya, Aadan Ducaale ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay inuu gudoomiyay furitaanka guddi madaxa bannaan oo sameeya baarista adeegyada xubna abuurista, oo ay guddoomiye ka tahay Prof. Elizabeth Bukusi, oo ah khabiir hormuud u ah anshaxa caafimaadka.

 

Wasiirka ayaa intaa ku daray in guddigu uu haysto saddex bilood oo uu ku sameeyo baaritaan buuxa oo ah mid dhexdhexaad ah oo ku saabsan eedaymaha adeegsi-xumada ee isbitaalka Mediheal ee ku yaala Eldoret , lana baaro dhammaan adeegyada tallaalidda xubnaha ee guud ahaan Kenya.

 

Inta ay soo baxayaan natiijooyinka ayaa adeegyada tallaalida xubnaha ee Mediheal ay ahaanayaan kuwa hakad ku jira,iyada oo bukaannada loo gudbiyay toddoba isbitaal oo la aqoonsan yahay, sida uu wasiirku sheegay.


Loading...
Loading...