Masuuliyiinta Hay'adda Laanqayrta Cas oo Hortegey Guddida Arrimaha Gudahe ee Golaha Wakiillada JSL

0
Thursday April 24, 2025 - 12:03:27 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Hay'adda Laanqayrta Cas oo Hortegey Guddida Arrimaha Gudahe ee Golaha Wakiillada JSL

    Dhinaca kalena, masuuliyiinta hay'adda Laanqeyrta Cas ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca kalena, masuuliyiinta hay'adda Laanqeyrta Cas ..



Guddi-hoosaadka arrimaha gudaha, amniga iyo difaaca golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay kulan la yeeshay masuuliyiinta hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas een (ICRC).

 

Kulankaasi oo uu shirguddoominaayey Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha Gudaha, difaaca ee Golaha wakiiladda Somaliland Xildhibaan Aadan Cismaan Xarbi, ayaa waxaa kulankaasi mudadii uu socday lagu lafo-guraayey howlaha shaqo ee hay’addaasi ka fuliso Deegaanadda kala duwan ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Dhinaca kalena, masuuliyiinta hay’adda Laanqeyrta Cas oo uu ka socdey kan mid ahaa Jimcaale Cali Nuur iyo Madaxa xafiiska ICRC, ee Somaliland iyo masuuliyiin kale oo hay’addaasi ka tirsan oo kulankaasi ku sugnaa ayaa mudadii kulankoodaasi u socdey waxaa lagu lafo-guraayey Xeerarka khuseeya arrimaha bini’adamnimadda iyo mashaariicaha horumarineed ee hay’addaasi Caalamiga ah ee Laan-qeynta Cas ka wadaan Deegaanadda Somaliland iyo adeegyada kala duwan ee Bulshadda u fidiyaan.

 

Gaba-gabadii guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha Gudaha, amniga iyo difaaca ee Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Aadan Cismaan Xarbi ayaa Masuuliyiinta Hay’adda Laanqeyrta Cas uga mahadceliyey sidii fiicnayd u soo Ajiibeen dalabkii Mudanayaasha Guddidaasi, isla markaana ku boggaadiyey warbixinta dhinacyada badan taabaneysa ee ay siiyeen golaha.


Loading...
Loading...