Tuuladii dareenka. ( Sheeko )
Ninkani markii uu gurigiisa soo galay waxa uu la soo baxay ..
-------------------------------------------------
Waxa la sheegaa in wakhti wakhtiyada kamid ah ay jiri jirtay tuulo yar oo ay ku noolaayeen labba qabiil oo keli ahi. Mid kamid ah labbadaas qabiil waxa la odhan jiray ' Wanaag' halka qabiilka kale loogu yeedhi jiray ' Xumaan'. Labbadaas qabiil waxa ay ahaayeen labba qabiil oo Alle wada dejiyay baad iyo biyana wadaagi jiray.
Qabiilka Xumaan la yidhaahdaa waxa uu ka koobnaa jufooyin ay kamid ahaayeen ; Xaasid, Murugo, Cabsi iyo Khiyaamo. Qabiilka kale ee la degnaa tuuladaas oo loo yaqaanay Wanaag isna waxa uu ka koobnaa jufooyin ay kamid yihiin; Farxad, Qadarin, Daacadnimo iyo Taageerid. Qabiilka wanaag waxa ay ahaayeen dad leh sifooyin jidheed iyo kuwa shakhsiyadeed oo wanaagsan. Dherer quruxbadan, indho buluug ah, jidh dhisan rag iyo dumarba, timo madaw oo jilicsan iyo midabo kala jaad ah oo wada qurxoon. Dhigooda kale waxa ay ahaayeen dad leh sifooyin jidheed oo aan wanaagsanayn. Waxa isku ururay sifooyin jidheed iyo kuwo dabciyeed oo liita.
Waxa la sheegaa in maalin maalmaha kamid ah tuulada uu safar ku yimid nin qariib ah oo aan haba yaraatee lahayn wax muuqaal jidheed ah oo muuqda. Waa sida biyaha oo kale , hala yaabin waa abuur Ilaahay'e! Layaab oo la amakaag. Ninkani marka uu suuqa marayaba qofka uu la fadhiisto ayuu u eekaadaa. Marka ay u timaado inanta Cabsida la yidhaadaa, waxa uu u eekaada sida ay jidh ahaan iyo dabeecad ahaanba u eegtahay. Hadana cabaar keddib buu la istaagaa ninka Daacad lagu magacaabo, waa caadadiiye isaga ayuu u eekaadaa. Dhammaan dadkii tuuladan ku noolaa oo idil waxay la amakaageen jir-jiroolahan bani aadamka ah. Waxay go'aan ku gaadheen in ay ogaadaan xaqiiqadiisa. Guddi bay u saareen labbada dhinac ee qabiilka ka soo kala jeeda. Yoolkoodu waxa uu ahaa in ay xaqiiqadiisa soo ogaadaan. Waxa uu yahay, meesha uu ka yimid iyo waxa uu iyaga kaga gedisanyahay. Habeenimo in ay gurigiisa si qarsoodi ah u galaan keddibna u dhugtaan waxa uu sameeyo ayay gooyeen. Lagal gurigii goor habeenimo ah, hala arko wax yaab iyo fajiciso ku rida idilkood!
Ninkani markii uu gurigiisa soo galay waxa uu la soo baxay shakhsiyadiisii dhabta ahayd. Waa nin ka qurux badan xaga muuqaal ahaan raga ugu quruxda badan tuuladan, si kale oo ay ku sifeeyaan markii ay garanwaayeen inuu malag yahay ayay isku qanciyeen. Waxa uu sifooyinka ka shabahaa qabiilka Wanaag.
Maalintii danbe ayay ugu yeedheen golaha ay in-dheer garadka tuuladu fadhiistaan, waxa ay ka warsadeen labbadiisa shakhsiyadood mida u qarsoon iyo midan kale ee uu kula dhaqmo cid kasta oo uu arko. Waxa uu u sheegay in magaciisa saxda ahi yahay Jacayl. Waxa kale oo uu u sheegay inuu yahay qofka keli ah ee ay ku kullmaan wanaagyada oo idil dhammaantood. Waxa uu si diiran oo qabaw ugu sheegay inuu yahay awoowga ay ka soo alkumeen qabiilka wanaag la magac baxay. Iyaga oo fajacsan ayuu u raaciyay in sidaasi tahay shaqsiyadiisa saxda ah. Waxay su'aaleen waxa ku kalifay inuu noqdo shakhsiyad cid walba matali karta. Waxa uu u sheegay inuu yahay nin Alle balaadhiyay oo matali kara dabeecad kasta.
Nuxurka sheekada.
Waxaad maqli dad badan oo midba nooc jacaylka ku sifaynayo. Mid baa meel la soo taagan waa xanuun iyo cudur haleela nafsadaha mucaashaqiinta. Mid kale ayaa isna meel kale la taagan, jacaylku waa farxad iyo badhaadhe. Labbada midna ma khaldana ee mid kastaa waayo aragnimo uu kala kulmay jacaylka ayuu aragtidiisaas ka soo dhiraan-dhiriyay. Jacaylku asal ahaan waxaan ku qeexaa in uu yahay magac guud kaas oo kulansada dhammaan wanaagyada oo idil dhammaantood. Jacaylku waa dareen ay weheliyaan dhammaan dareenada kale ee wanaagsani sida; farxada, qadarinta ama ixtiraamka, daacadnimada, run sheegista iyo dareen kasta oo wanaagsan.
Waxa jacaylka muuqaal kale u sameeyaa waa in uu jacaylku yahay shaadh ay cid kastaaba xidhan karto. Mid dan gaar ah kaa leh ayaa shaadhkiisa kuu soo xidhanaya hadhaw markuu kaa gaadhana isku kaa bedelaya, dhibaatadu jacaylka maaha ee waa shakhsiyada.
W/Q:- Muhumed Faisal
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...