Khudbad Ka Dhex Iftiintay Rajo, Kalsooni iyo Hal-adayg Qaran

0
Monday April 21, 2025 - 10:49:53 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khudbad Ka Dhex Iftiintay Rajo, Kalsooni iyo Hal-adayg Qaran

    Amnigu waa tiirka koowaad ee dawladnimada. Sidaa darteed...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amnigu waa tiirka koowaad ee dawladnimada. Sidaa darteed...



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbaddii sanadlaha ahayd ee dastuurku waajibiyay ka jeediyay hortooda labada Gole ee Baarlamaanka 20-ka April 2025. Khudbaddan oo ahayd tii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxay noqotay mid si weyn isha loogu hayay gudaha iyo dibadda, iyada oo laga dheehan karayay hufnaan siyaasadeed, hal-adayg qaran, iyo hoggaan leh himilo cad.

Madaxweynuhu wuxuu si qoto dheer u dul istaagay waxqabadka xukuumaddiisa muddadii koobnayd ee boqolka maalmood ahayd, isaga oo xooga saaray amniga, maamulka hufan, iyo dib-u-habeynta hay’adaha difaaca qaranka.

WAXQABADKA 100-KA MAALMOOD EE XUKUUMADDA: DIFAACA QARANKA

Amnigu waa tiirka koowaad ee dawladnimada. Sidaa darteed, xukuumadda "Wadajir iyo Waxqabad” waxay qaaday tallaabooyin istiraatijiyadeed oo lagu xoojinayo awoodda qaranka:

* Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah: Hubkii iyo ciidamadii madaniga ahaa ayaa si buuxda loo qaramay, tababarro joogto ahna waa loo bilaabay, kuwaasoo hadda qayb ka ah cududda difaaca dalka.

* Tirakoob iyo Diiwaangelin: Waxaa la hirgeliyey nidaam rasmi ah oo tirakoob ah si loo helo xog sugan oo ciidanka ah, loogana tirtiro magaca "caagle”.

* Mushahar Kordhin iyo Maamul Hufan: Ciidamada qaranku mushaharkooda si toos ah ayay uga helaan khasnadda dawladda. Waxaa la hirgeliyey nidaam dallacsiin iyo abaalmarin cadaalad ku dhisan.

* Tababaro Heer Caalami ah: In ka badan 700 sarkaal ayaa tababaro heer sare ah ka qaatay gudaha iyo dibedda, taasoo sare u qaaday tayada iyo kalsoonida ciidanka.

* Kobcinta Teknoolajiyadda Ciidamada: Laamaha socdaalka, ciidanka xeebaha, iyo garoomada diyaaradaha ayaa la gaadhsiiyey heer casri ah, iyadoo la saddex-laabay awoodda ilaalinta xuduudaha.

* Abuurista Ciidanka Kaydka Qaranka: Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay in la dhisayo Ciidanka Kaydka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, si loo adkeeyo difaaca dhulka, biyaha iyo hawada.

Tallaabooyinkan waxay caddeynayaan go’aanka adag ee xukuumadda ka qaadatay difaaca madax-bannaanida iyo jiritaanka qaranka.

Falcelinta Shacabka: baraha lagu kulmo.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa isla markiiba dhalisay falcelin ballaadhan oo ka timid bulshada rayidka ah, aqoonyahanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

* Ibraahim Axmed Xuseen, haldoorka ka mid ah bulshada ayaa yidhi:

"Madaxweyne Cirro waa hoggaamiye leh khibrad, dulqaad iyo aragti dheer. Khudbaddiisu waxay ahayd mid shacabka ka dhaadhicisay in isbeddel dhab ah uu socdo.”

* Abdiqaadir Maxamed Ibraahim ayaa isaguna sheegay:

"Khudbaddii Madaxweynaha waxay ahayd mid rajo, garasho iyo degenaansho leh. Waa hoggaamiye aynu muddo sugaynay.”

* Abdimajiid Maxamed Cabdillaahi Carey, oo ka mid ah dhalinyarada firfircoon, wuxuu yidhi:

"Waxa ina soo maray 100 cisho oo aynu kaga raynay 7 sano oo kulayl ah.”

Wuxuu xusay in khudbadda Madaxweynaha ay xasuusisay tix hal-abuur ah oo uu tiriyay Abwaan Saahid Qamaan Cali:

"Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamusi,

Masoo in aannu nahay oo tolnimo meerto noo tahay.”

Tixdan waxay si qoto dheer u cabbiraysaa dareenka shacabka — hoggaamiye ay lexejeclo u hayaan, mid la fahmaya tabashadooda, kana jawaabaya rajadooda.

Gunaanad:

Khudbadda Madaxweyne Cirro waxay ahayd mid xambaarsan rajo, yididiilo, iyo aragti fog oo qaran. Waxa ay muujinaysay hannaan cusub oo dawladeed oo ku saleysan:

Kalsooni iyo la-tashi,

Hufnaan iyo maamul wanaagsan,

Qarannimo iyo isu-tanaasul,

Mas’uuliyad laga dheehan karo himilo qaran.

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u ammaanay Madaxweyne Ku Xigeenka, Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi, isaga oo xusay kaalinta mugga leh ee uu ka qaatay hawlaha xukuumadda 100-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Hadalkii uu Madaxweynaha ku soo gunaanaday khudbaddiisa ayaa si toos ah qalbiga uga dhacay shacabka:

"Gobonnimada iyo jiritaanka Somaliland ma aha arrin gorgortan geli karta.”

Qalinkii: Daahir Cabdi Ciise

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...