"Waxa aannu Dhammays-tirnay Qiimaynta Dhismaha Dekedda Lughaya" Madaxwaynaha "

0
Monday April 21, 2025 - 10:48:34 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxa aannu Dhammays-tirnay Qiimaynta Dhismaha Dekedda Lughaya" Madaxwaynaha "

    Toddoba (7) waddo oo muhiim ah ayaa qaar la bilaabay dhismahooda,...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toddoba (7) waddo oo muhiim ah ayaa qaar la bilaabay dhismahooda,...



Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo kudbad sanadeedkii Dastuuriga ahaa u jeediyay mudanayaasha labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa kaga hadlay ka xukuumad ahaan waxyaabaha ay ka qabteen kor-u-qaadista dhaqaalaha dalka, waxaanu xusay inay dhiseen jidad muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha, kuwo kalena ay hadda gacanta ku hayaan, kuwaasi oo wax wayn ka tari doona kor-u-qaadista dhaqaalaha dalka waxaanu sheegay

 

" Mudadii koobnayd ee ay Xukuumadaydu xilka haysay, waxa ay qaadday tallaabooyin la taaban karo oo fure u noqday dabar-ka-furista awoodaha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa aanu bilownay dhismaha iyo dib-u- dhiska Waddooyin muhiim ah, kuwaas oo ah deegaanno halbowle u ah xoolo dhaqashada iyo beeraha ku xidhaya suuqyada gudaha, magaalooyinka iyo dekedaha dalka.

 

Toddoba (7) waddo oo muhiim ah ayaa qaar la bilaabay dhismahooda, la dayactiray ama la dhammaystiray daraasaddii dhismahooda. Waxaa ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Isku xidha Hargeysa/Balligubadle, iyo Boorama/Baki”.

 

Waxa kale oo madaxwaynaha Somaliland sheegay in ay dhameeyeen waigii koowaad ee qiimaynta dhismaha dekeda Lughaya, taasi oo mustaqbalka noqonaysa xudunta ganacsiga, isla markaasina ka qayb qaadan doonta koboca dhaqaalaha dalka waxaanu sheegay

 

" Waxa aanu iyadana dhammaystirnay wejigii qiimaynta ahaa ee dhismaha dekedda Lughaya, taas oo dhabbaha u xaadhaysa in aynu mustaqbalka ka dhigno xuddun muhiim ah oo ganacsi”.

 

Waxyaabaha koboco dhaqaalaha ka qayb qaataya ayaa wax aka mid ah Tamarta dalka qiimaheeda si loo abuuro warshado wax-soo-saar oo ka qayb qaata koriinka dakhliga iyo dhaqaalaha dalka, waxaanu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland xusay inay laydh magaalada Berber ay ku sameeyeen qiimo dhimis, si loo helo adeega Tamarta oo jaban waxaanu tilmaamay

 

"Xukuumaddu waxa ay go’aamisay hoos u dhigista qiimaha korontada ee magaalada Berbera oo laga bilaabo July 2025 noqon doona $0.20-dollar (labaatan centi) KW kii, kaas oo noqon doona qiimaha ugu jaban magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa iyana la xoojiyey shabakadda koronto ee magaalada Saylac taas oo saamayn toos ah ku yeelan doonta nolosha qoysaska magaalo xeebeedkan”.

 

Dhinaca kale Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay in ka xukuumadda ahaa ay dhamays tireen 32 Ceel biyod, dhaamam, barkado, kuwaasi oo loogu tallogalay cabitaan bulshada iyo waraabka Beeraha wax-soo-saarka, waxa kale oo uu intaasi ku daray inay Beeraleyda iyo Kalluumaysatada dalka u sameeyeen caawimo qalab, dhiirigalin, aqoon korodhsi, sidoo kalena ay qorshayeen hirgalinta maalgashi lagu warshadaynayo hilibka xoolaheena waxaanu sheegay

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somailand ayaa sidoo kale ka hadlay in ka xukuumad ahaan dhinaca dhaqaalaha ay xooga saareen sadex aa goo ay u arkeen inay kordhinayaan wax-soo-saarka gudaha iyo miisaaniyadda Qaranka kuwaasi oo kal ah

 


Loading...
Loading...