Gudoomiye Yariisow Iyo Masuuliyiin Kale Oo Muqdisho Lagaga Qaaday Diyaarad Dawlada Qatar U Soo Dirtay

0
Thursday July 25, 2019 - 16:33:14 in News by
  • Visits: 2852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Yariisow Iyo Masuuliyiin Kale Oo Muqdisho Lagaga Qaaday Diyaarad Dawlada Qatar U Soo Dirtay

    Gudoomiye Yariisow Iyo Masuuliyiin Kale Oo Muqdisho Lagaga Qaaday Diyaarad Dawlada Qatar U Soo Dirtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Yariisow Iyo Masuuliyiin Kale Oo Muqdisho Lagaga Qaaday Diyaarad Dawlada Qatar U Soo Dirtay

 


Muqdisho(HWN):-Gudoomiyihii gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo saraakiil kale oo dhaawac ah ayaa loo qaaday wadanka Qatar.




Diyaarad milatari oo ay dawlada Qatar u soo dirtay eng yariisow iyo xubnihii kale ee dhaawaca ahaa ayaa goor dhawayd ka qaaday magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu soo dawayn doono xarunta dalka Qatar ee Doxa.


Diyaarada oo kasoo duushay dalka Qadar ayaa qaaday dhaawacyada culus dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaana dhaawacyada la qaaday ku jira Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha Warta Nabada.


Dhaawacyada goordhaw Dibadda loo qaaday ayaa ahaa kuwa culus oo wax badan looga qaban waayay Isbitaalka Digfeer oo shalay galab ilaa maanta ku jireen, waxaana la filayaa in masuuliyiintan la geeyo Isbitaalo waa weyn oo xaaladooda lagula tacaalayo.


Gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa dhaawacyo culus waxa ay kasoo gaareen Madaxa iyo caloosha, waxaana xalay lagu sameeyay labo qaliin oo la sheegay in ay guuleesteen.


Xukuumada Soomaaliya ayaa guddi gaar ah u saartay sidii wax loogu qaban lahaa isbitaalo dibadda ahna loogu qaadi lahaa masuuliyiinta iyo dadkii kale ee dhaawacyada kasoo gaareen qaraxii shalay galab ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

 


Loading...
Loading...