Dagaalka Ganacsi Ee Marin-Biyoodka HURMUS W/Q: Cali Cabdi Coomay
Marinkani wuxuu u dhexeeyaa gacanka Beershiya iyo gacanka Cumaan. Dhinaca waqooyi/galbeed waxa ka kulaalaya dalka Iiraan, dhinaca bari dalka Imaaraadka, halka dhinaca koonfureedna uu ka kulaalayo dalka Cumaan. Marin-biyoodka waxa maalintii mara ku dhawaad 17.2 Milyan oo foosto oo shidaal ah una dhigtan 20% ganacsiga shidaalka adduunka. Waxa marinkan la soo mariyaa shidaalka ka yimaada dalalka Ciraaq, Kuweyd, Sucuudi Arabiya, Baxrayn, Qadar iyo Imaaraadka Carabta. Dhammaan maraakiibtaasi waxa ay shidaalka iyo saliida u kala qaadaan dalalka ka tirsan qaaradaha, Aasiya, Yurub, Maraykanka iyo waqooyiga Maraykanka. Sidoo kale waxa mara gaasta cad ee laga keeno inta badan dalalka kulaalaya marinkan. Waxaanay gaasta u kala qaadaan dalalka Japan, Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed. Marin-biyoodani waa mid aad u dhuuban oo dhererkiisu yahay 33 Kiiloomitir. Halka ugu dheerina ay tahay 95 Kiiloomitir. Sida laga soo xigtay (U.S Energy Information Adminstration).
Taariikhda Dagaal ee Marin-biyoodkani leeyahay
Wakhtigii
uu socday dagaalkii u dhexeeyey dalalka Ciraaq iyo Iiraan sannadihii
sideetamaadkii ayuu marin-biyoodkani qarka u saarmay inuu xidho. Maraakiib ay
kala lahaayeen dalalka Ciraaq iyo Iiraan ayey ku kala qabsadeen
marin-biyookdan, taasina waxa ay keentay inuu muddo kooban xidhnaado. Hasayeeshee
saldhiga ciidanka cirka Maraykanku ku leeyahay caasimada Baxrayn ee Manaama oo
u xil saaran ilaalinta danaha Maraykanka ee marin-biyoodkan ayaa hanjabaad
hawada u mariyey dalka Iiraan in aanay isku dayin inay xidho marinka, haddii
kale ay la kulmi doonto tallaabo adag. Sannadkii 1988 ayuu markab Maraykanku
leeyahay oo ku sugnaa marin-biyoodkaasi toogtay diyaarad laga leeyahay dalka
Iiraan oo ahayd nooca rakaabka. Waxaana ku dhintay dhammaan 290 qof oo saarnaa
diyaaradda, hasayeeshee Maraykanka ayaa arrintaasi ku micneeyey shil oo aan u
kas ahayn. Sannadkii 2010 markab laga leeyahay dalka Japan oo siday saliid ayaa
lagu weeraray isla marinkan. Waxaana weerarkaasi ka dambaysay koox ka tirsan
ururkii Al-Qaaciida.
Saameynta Iiraan ee Marin-biyoodka Hurmus
Dawlada
Iiraan laba ujeedo ayey ka leedahay inay carqaladayso maraakiibta maraysa
marin-biyoodkan. 1. Waxa ay culays dublamaasiyadeed saaraysa dalalka reer Yurub
ee ay ugu weyn yihiin Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalku ee ay la gashay
heshiiskii Nukliyeerka sannadkii 2015, hasayeeshee difaaci kari waayey markii
uu maamulka cusub ee Maraykanka ee uu Trump horkacayaa ka soo horjeestay oo uu
ka baxay. 2. Cunaqabateynta uu Maraykanku ku soo rogay shidaalka Iiraan ee
aanay meelna u dhoofin karayn. Markaa waxa ay goosteen inay iyaguna rabshado ku
furaan maraakiibtan shidaalka iyo saliida u sida dalalka ay siyaasadda isku
hayaan.
Dalalka Carabta iyo Iiraan
Lixdan
dal ee shidaalka qaniga ku ah ee kala ah, Ciraaq, Kuweyd, Sucuudi Arabiya,
Baxrayn, Qadar, Imaaraadka Carabta iyo dawlada Iiraan waxa qaarkood ka dhexeeya
heshiis ah in la wada noolaado. Halka Boqortooyada Sucuudiga oo xulufo la ah
dalalka Baxrayn iyo Kuweyd ay cadaawadi ka dhaxayso. Dalka Imaaraadka Carabta
ayaa bilihii ugu dambeeyey faraha kala baxay is-bahaysigii Sucuudigu
hogaaminaayey ee dagaalka kula jiray jabhada Xuutiyiinta ee ka dagaalma dalka
Yaman ee ay Iiraan taageero. Imaaraadku wuxuu mar dambe ku soo baraarugay
khatarta magaalooyinkiisa camiran saaran haddii ay cadaawada Iiraan u sii
badheedhaan.
Imaaraadaha
Raasul Khiima iyo Dubay oo saaran marin-biyoodka Hurmus ee ay ka dhisan yihiin
daaraha adduunka ugu dhaaraari, waxa dhici karta in gantaalaha Iiraan uu dhulka
la simo oo uu ka dhigo dambas laydhu qaado, haddii Imaaraadku uu muujiyo
cadaawad. Hasayeeshee waxaad moodaa inuu haatan ku soo baraarugay khatarta
miiska u saaran. Sidoo kale dalka Cumaan oo isagu ah kan ugu dhaw Iiraan marka
la eego marin-biyoodka HURMUS iyagu hore ayey dantooda u garteen oo farahaba
lamay gelin shuqul ay Iiraan wadato. Inta dhacdo ee ay Iiraan ka samaysay
marin-biyoodka Hurmus hal maalin kamay hadal Cumaan. Iiraan way ka awood badan tahay dhammaan
lixdaa dal ee dhaqaalahooda iyo kan adduunku ku xidhan yahay marin-biyoodkaasi,
waxa se mar kasta oo ay Iiraan hanjabto ka jawaabo laba saldhiga oo Maraykanku
ka ilaaliyo danihiisa oo ku kala yaalla Baxrayn iyo Qadar.
Xaaladihii ugu Dambeeyey
Bishii
shanaad sannadkan ayaa afar markab oo saliid siday oo laba ka mid ahi uu
Sucuudigu leeyahay lagu weeraray marin-biyoodka HURMUS ee xeebaha Fujarah
Imaaraadka Carabta. Maraykanka ayaa markiiba weerarkaasi ku eedeeyey ilaalada
kacaanka Iiraan, hasayeeshee Iiraan ayaa iska fogaysay eedaasi. Hadda la soco
Imaaraadku meel dhexe ayuu iska taagay markii ay arrintaasi soo baxday, halka
Sucuudiguna uu afkii Maraykanka ku hadlay oo uu Iiraan dusha u saaray falkaasi.
Sidoo kale 13 bishii Juun ee isla sannadkan ayaa laba markab oo shidaal siday
isla sidii oo kale loogu weeraray marin-biyoodka HURMUS gaar ahaan xeebaha
Cumaan.
Bishan aynu ku jirno 11-keedii ayuu Ingiriisku sheegay in markab laga leeyahay dalkooda ay weerareen saddex doonyaha dheereeya ah oo ay saaran yihiin ilaalada kacaanka Iiraan. Iiraan ayaa warkaasi waxba kama jiraan ku tilmaamatay. Hasayeeshee waxa uu weerarkaasi u eekaa in xukuumada Iiraan ay kaga aargoosanaysay markab saliid siday oo uu Ingiriisku qabsaday, oo ay ku sheegeen inay uga shakisnaayeen inuu saliid u siday dalka Suuriya oo cunaqabateyni saaran tahay. 16 ka dib ayuu Sucuudigu ogolaaday in dhulkiisa ay dib ugu soo noqdaan ciidanka Maraykanku, isaga oo ka cabsi qaba weeraro ay Iiraan ku soo qaado.
5000 oo askari oo Maraykan ah iyo tobaneeyo diyaaradaha dagaalka ah ayaa soo gaadhay saldhiga Amiir Suldaan oo 70 Kiiloomitir koonfur kaga beegan caasimada Riyaad. Madaxda labada dal ayaa hadallo is-khilaafsan ka sheegay imaanshaha ciidanka Maraykanka. Boqorka Sucuudiga ayaa sheegay inay aqbaleen dalab uga yimid Maraykanka oo ahaa inay ciidan keenaan dalkooda, hasayeeshee xoghayaha difaaca Maraykanka ayaa dhiniciisa sheegay inay aqbaleen codsi uga yimid Sucuudiga oo ahaa in ammaanka gobolka laga ilaaliyo Iiraan. Marka dhammaan la isku geeyo shilalkaasi hadda dhacay iyo kuwaa hore u dhacay waxa ay marin-biyoodka HURMUS ka dhigaysaa mid halis u ah inuu dagaal ku dhexmaro quwadaha reer galbeedka iyo xukuumada Iiraan ee cunaha la isaga duubay ee mitidka ah.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!