DEG DEG Xukuumada JSL ayaa degmada Qorilugud kula wareegtay, qarameynta ciidan iyo saanad badan
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay (Dorraad) ku dhexmaray ciidamada Qaranka iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuur-madare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay weerar ku qaadeen dad xoolo-dhaqato ah.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Laascaanood, uu lahaa abaabulka dagaalkan, si uu qalalaase uga abuuro gudaha Somaliland.
"Ficillada noocan ahi waxay khatar ku yihiin amniga gobolka, waxayna ka hor imanayaan mabaadi’da madaxbannaanida iyo xidhiidhka derisnimo, xilli ay Somaliland hormuud ka tahay nabadda iyo iskaashiga Geeska Afrika, kicintan colaadeed waxay wiiqaysaa dadaallada nabadda”Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Sidoo kale xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in ay ka go’an tahay in ay difaacdo madax bannaanideeda dhuleed iyo dadeeda, isla markaana ay dhiirrigelinayso nabad ku wada noolaanshaha gobolka.
Dhanka kale, waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay u dhug yeeshaan xiisaddan, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin lagu xakameynayo.